Home Wararka Somaliya Galmudug Goormee ayuu Tagayaa Dhuusamareeb Madaxweyne Xasan Shiikh Xili Ciidamada ilaalada Madaxweynu Maantay...

Goormee ayuu Tagayaa Dhuusamareeb Madaxweyne Xasan Shiikh Xili Ciidamada ilaalada Madaxweynu Maantay Gaareen?

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta wafdi horudhac u ah madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ay gaareen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamul goboleedka Galmudug, halkaas oo si bllaaran loogu soo dhaweeyay.

Xubnaha maanta gaaray Dhuusamareeb ayaa isugu jiro saraakiil, wasiiro iyo xildhibaano, sida uu shaaciyay mid kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala magaaladaasi.

“Magaalada caasimada u ah Galmudug ee Dhuusamareeb waxaa maanta soo gaaray saraakiil ciidan, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka, wasiiro ka tirsan dowladda federaalka” ayuu yiri Wariyaha Idaacadda kulmiye ee Dhuusamareeb.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada laga dajiyay halkaasi, kuwaas oo xaqiijin doono amniga meesha uu dagayo Xasan Sheekh.

“Waxaa sidoo kale magaalada soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada madaxtooyada qaranka oo hordhac u ah wafdiga madaxweynaha Soomaaliya” ayuu sii raaciyay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in madaxweynaha uu beri tegi doono caasimada Galmudug, halkaas oo uu kaga dhawaaqi doono wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa lagu soo warramayaa inuu saldhig ka sameysan doono halkaasi, si uu ugula socda gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo gobollada dhexe.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa dhiirigelin u noqon doono Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qaybaha kale ee ciidamada, iyadoona uu hadafku yahay in muddo kooban lagaga takhaluso Shabaabka Gobollada Dhexe.

Si kastaba, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishii January ku hanjabay in muddo sanad ah ay dowladdiisu dalka kaga ciribtiri doono kooxaha argagixisada.

Ad
Previous articleLA WADAAG Dibadbaxayaal dusha sare uga baxay aqalka Raysal Wasaaraha Ingiriiska
Next articleDambiile la raadinayey oo muuqaal mahadcelin ah usoo diray boolis uu sheegay inuu usii digey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here