Home Wararka Maanta Dambiile la raadinayey oo muuqaal mahadcelin ah usoo diray boolis uu sheegay...

Dambiile la raadinayey oo muuqaal mahadcelin ah usoo diray boolis uu sheegay inuu usii digey

0

Nin lagu eedeeyay inuu ka ganacsanayay daroogada, kaasoo bartilmaameed u ahaa ugaarsiga booliska caalamiga ah, ayaa u soo diray warbaahinta muuqaal uu uga mahadcelinayo booliiska Bolivia oo luu sheegay inay siiyeen digniin hore oo la xiriirta isku dayga lagu xirayo isaga.

Sabtidii, saraakiisha Bolivia waxay weerareen guriga Sebastián Marset, kaas oo laga raadinayo waddankiisa Uruguay, iyo sidoo kale Brazil, Paraguay, iyo Maraykanka. Laakiin Sebastián Marset, oo 32 jir ah, ayaa ku guulaystay in uu baxsado. Booliska Bolivia waa ay beeniyeen in ay ku wargeliyeen oo ay sii wadaan baadigoobkiisa. In ka badan 2,250 booliis ah ayaa la hawl geliyey si ay u soo raadiyaan balse ilaa hadda meelna kuma sheegaan.

Saraakiisha ayaa u dhaqaaqay inay ku qabtaan magaalada Santa Cruz ee dalka Bolivia sabtidii, balse ilaalada Sebastián Marset ayaa mid ka mid ah afduubtay, ninka la raadinayeyna waxa u suurtagashay inuu la baxsado xaaskiisa iyo carruurtooda.

Booliska ayaa tan iyo markii ay baarayeen wadar ahaan sideed guri waxa ay xireen tobanaan qof oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin ninkan balse ilaa hadda kuma aysan guuleysan in ay helaan.

Ad
Previous articleGoormee ayuu Tagayaa Dhuusamareeb Madaxweyne Xasan Shiikh Xili Ciidamada ilaalada Madaxweynu Maantay Gaareen?
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Alshabaab oo weerar Qaraxyo ku Bilowday Ku Qaaday Saldhiga Ciidanka Dowlada ee..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here