Home Wararka Maanta Goormee ayuu dhaqan-galaayaa heshiiska Soomaaliya ee ku biirista ururka EAC?

Goormee ayuu dhaqan-galaayaa heshiiska Soomaaliya ee ku biirista ururka EAC?

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii ku saxiixay magaalada Kampala ee waddanka Uganda, ku biirista rasmiga ah ee Soomaaliya ee dallada bulshada Bariga Afrika.

Xaflad ka dhacday Madaxtooyada Uganda ayaa lagu saxiixay dhaqan-galka xubinimada Soomaaliya, iyada oo goobjoog ahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh, dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni iyo madaxweynaha South Sudan.

Soomaaliya ayaa heshay codadka dhamaan dalalka ku jira ururkaan dabaal-yaqaadii bishii November, laakiin xaflada saxiixitaanka ee ku biirista rasmiga ah ayaa Jimcihii ka dhacday Madaxtooyada Uganda.

Qariirada Soomaaliya ayaa lagu daray qariirada ururka, taasi oo bedeshay sawirkii sanadaha badan ee ururkaan.

Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni oo goobta ka hadlay waxa uu sheegay in afafka, dhaqanada iyo dabeecaduhu ay mar hore soo mideeyeen bulshooyinka ku jira ururkan iyo Soomaalida, taasin ay ka dhigan tahay inay jiraan waxyaabo dabiici ah oo isku soo jiidaya bulshooyinka dallada bulshada Bariga Afrika.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa isweydiinaya xilliga uu heshiiskan dhaqan-galka noqon doono, oo ay Soomaalida ay bilaabi doonto fulinta qoddobada lagama maarmanka ah ee xubinimada iyo hirgelinta sharciyada.

Marka koowaad waa inuu heshiiskan maraa baarlamaanka Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xukuumadiisa waxaa laga rabaa in ay heshiiskan geeyaan baarlamaanka, kadibna uu ansixin ka helo labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, si uu u noqdo mid rasmi ah, kadibna waxaa bilaaban doonta fulintiisa.

Marka la eego faa’iidooyinka uu xambaarsan yahay waxay u badan tahay inay labada Aqal ee Soomaaliya ay aqbali doonaan kadibna waxay Soomaaliya dhisi doonta wasaaradii qaabilsaneyd bariga Afrika, sida uu yahay xeerka dalalka ku jira ururkaan.

Fulinta qoddobada faa’iidada u leh dadweynaha ayaa masaafo jirta, waxaana loo badinaya inay ku xiran tahay xawaaraha ay ku shaqeyso dowladda Soomaaliya.

Ugu yaraan laba sano ayay qaadan kartaa inay Soomaalida helaan fursadaha ku jira ku biirista dalladan, gaar ahaan arrimaha ganacsiga, shaqooyinka iyo socdaalka.

Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka aan weli kheyraadkooda la isticmaalin ee ku yaalla caalamka. Waxaana dhinaca kale dalalka ku jira dalladan ay iyaguna sugayaan inay wax badan ka faa’iidaan dalkaan hodanka ah ee kheyraadkiisa weli ku nacfin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in la joogo waqtigii si dhab ah loogu xirmi lahaa adduunka, oo Soomaalida ay ka faa’iidaysan laheyd halka ay juquraafi ahaan uga taallo adduunka iyo kheyraadkeeda dabiici ah.

Dalladaan waxa uu sheegay inay tamar iyo sare u kac xagga ahmiyada ah ka heli doonto muhiimada juquraafiyadeed ee Soomaaliya. Waxaase dhinaca kale jira duruufo aan la iska indho tiri karin oo ay tahay in Soomaalida ay xal u hesho sida argagixisada, qabyaalada iyo faham darrada federaalka, waa haddii ay rabto inay si dhab ah ula fal-gasho caalamka.

Ad
Previous articleDagaal Markale kasoo Cusboonaaday Gobalka Shabeelada Dhexe
Next articleC/raxmaan Bin Saalax oo dilay Hooyadiis iyo Walaashiis kaddibna meydkooda gubay oo la qisaasay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here