Home Wararka Maanta C/raxmaan Bin Saalax oo dilay Hooyadiis iyo Walaashiis kaddibna meydkooda gubay oo...

C/raxmaan Bin Saalax oo dilay Hooyadiis iyo Walaashiis kaddibna meydkooda gubay oo la qisaasay

0

Boqortooyada Sacuudiga waxaa dhawaan ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen ,kaddib markii nin uu si arxan-darro ah u dilay hooyadii isaga dhashay iyo walaashiis, kaddibna meydkooda qariyay si aan loo ogaan.

C/raxmaan Bin Saalax Bin Mudraham Al-Khataami ayaa toorey ku dilay hooyadii isaga dhashay iyo walaashiis, waxa uuna ninkan markii uu dilay kaddib meydka hooyadiis iyo walaashiis gubay si aan raadkooda loo aqoonsan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga ayaa sheegtay in si deg deg ah maxkamad loo saaray ninka dilka lagana naxay geestay, waxa ayna wasaaradda sheegtay in ninka gacankudhiiglaha laga oofiyay xadka dilkii uu geestay.

Dadka reer Sacuudi ayaa soo dhaweeyay qisaasta laga oofiyay ninka arxan-laawaha ahaa ee dilay hooyadiis iyo walaashiis, waxa ayna falkan ninkaasi geestay ku tilmaamay mid waali ah uusan geysan karin qof fiyow.

Ad
Previous articleGoormee ayuu dhaqan-galaayaa heshiiska Soomaaliya ee ku biirista ururka EAC?
Next articleCiidamada Amaanka Puntland oo Gacanta Kusoo Dhigay Ajaanibta Ka Tirsan Daacish

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here