Home Wararka Maanta Goobo badan oo lagu iibin jiray Maan-dooriyaha oo kuyaallay Muqdisho oo la...

Goobo badan oo lagu iibin jiray Maan-dooriyaha oo kuyaallay Muqdisho oo la xiray

0

Kooxaha ka ganacsada waxyaabaha maanka dooriya ee kunool magaalada Muqdisho ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xooggan, kaddib markii kooxda Al Shabaab bilaabeen in ay beegsadaan ayna dilaan dadka ka ganacsada maan-dooriyaha.

Al Shabaab ayaa siyaabo kala duwan isbuucan gudihiisa magaalada Muqdisho ugu dishay dad ka badan 10-qof oo dhallinyaro ah, kuwaa ay sheegeen Al Shabaab in ay ahaayeen kooxaha ka ganacsada maan-dooriyaha iyo sidoo kale ciyaal weero.

Waxaa hadda cabsi xooggan lasoo daristay dhallinyarada inta badan ka ganacsan jiray waxyaabaha maanka dooriya ee goobaha sandaqadaha ku lahaa magaalada Muqdisho iyo sidoo kale horjoogayaasha ciyaalka weerada.

Goobo badan oo lagu iibin jiray maan-dooriyaha sida xashiishka, calaqa , taabuuga iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya ayaa la xiray, waxaana goobahasai isaga tagay ragii ku iibin jiray maan-dooriyaha.

Al Shabaab ayaa sheegtay in maan-dooriyaha lagu iibiyo magaalada Muqdisho sabab u yahay in dhallinyaro badan noqdaan ciyaal weero iyo tuugo, waxa ayna ku hanjabeen in tallaabo ka qaadi doonaan dadka iibiya maan-dooriyaha iyo ciyaal weerarada.

Ad
Previous articleBooliska gobolka Banaadir oo war ka soo saaray moota Bajaajle galabta lagu dilay Muqdisho
Next articleAqalka Wakiilada Mareykanka oo si kulul uga hadlay dagaalka Laascaanood Wali Kasocda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here