Home Wararka Maanta Booliska gobolka Banaadir oo war ka soo saaray moota Bajaajle galabta lagu...

Booliska gobolka Banaadir oo war ka soo saaray moota Bajaajle galabta lagu dilay Muqdisho

0

Abaare 4-tii galabnimo ee maanta ayaa waxa ay dableey hubeysan wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa Dhalinyarada ku shaqeesta gaadiidka Moota Bajaajta ku dilay agagaarka isgoyska Jubba ee degmada Shangaani. Waa Sida lagu baahiyay telefishinka qaranka Soomaaliya oo isagana soo xigtay war ka soo baxay Taliska Boliiska qeybta guud ee gobolka Banaadir.

Warka ka soo baxay booliska ee telefishinka soo xigtay ayaa lagu sheegay in dableyda dilka geysatay ee ka koobnaayeen laba nin oo mid ka mid ah watay qoriga noociisa yahay AK47.

“Ciidanka Booliska oo baaritaan hordhac ah sameeyay ayaana ogaaday in Eedeysanaha falka geystay iyo midka la socday labadu aheen askar dowladeed, raga ayaana goobta ka baxsaday, waxaana socda dabagal lagu hayo, dhawaan ayaana Bulshada la wadaagi doonaa waxa kasoo kordha”. Ayaa lagu yiri warbixinta booliska ee telefishinka qaranka soo xigtay.

Ad
Previous articleDarawal kale oo Moota bajaaj oo Goordhow Markale Lagu Dilay Muqdisho iyo Xaalada Oo kacsan
Next articleGoobo badan oo lagu iibin jiray Maan-dooriyaha oo kuyaallay Muqdisho oo la xiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here