Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Saacadaha Soosocda Laisku Shaandhaynaayo

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Saacadaha Soosocda Laisku Shaandhaynaayo

0

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda lafilayaa in ay sii dayso isku shaandheynta xubnaha wasiiradda qaarkood, oo wasaaradahooda lakala bedelay.

Axmed Macalin Fiqi ayaa lafilayaa in laga dhigo wasiirka Arrimaha dibada XFS, isagoo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha, taas oo kadhigan in wasaaraddaha Arrimaha dibada, Qorsheynta,Iskaashiga caalamiga ah, Caafimaadka, Cadaaladda, Dastuurka iyo Batroolka ay isku dhinac mari doonan.

Kursiga dhinaca Gedo, ayaa lafilayaa in uu kuyimaado Is afgarad siyaasadeed oo kuwajahan in Xubin taas uu kushaqeeya damaca Villadda ee kuwajahan Jubbaland, uusana kahor imaan- karin, taas oo uu aqbalay in Axmed Madoobe ay wada hadlaan.

Jagada Wasiirka Arrimaha gudaha XFS ayaa la qorsheeyey in lasiiyo Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo xildhibaan golaha shacabka ah, kana soo jeeda gobalka Nugaal.

Xubinta gobalka Sool ay ku leedahay wasiirada Federaalka ayaa lasiin doonaa xildhibaan golaha shacabka ah, horeyna wasiir u soo noqday xiligii Farmaajo.

Wasiiru dowlayaasha & Kuxigeenada qaarkood ayaa isku shaandheyn lagu sameyn doonaa.

Ad
Previous articleCabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo Runta U dheegay Xasan Shiikh iyo Deni kadib Talaabadii Shalay Itoobiya
Next articleAlshabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Qaaday Degmada Balcad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here