Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Alshabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Qaaday Degmada Balcad

Alshabaab Oo Weerar Qaraxyo Ku Bilowday Ku Qaaday Degmada Balcad

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay saaka maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ku qaadeen gudaha degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa lagu ekeeyay baro koontarool oo ay ciidamada ammaanka ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Xubnaha weerarka qaaday ayaa beegsaday saddex bar kontorool iyo xafiis ku yaalla magaalada, sida ay innoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Sawirro laga soo qaaday Balcad ayaa sidoo kale muujinaya burbur xoogan iyo uuro qarisay degmada Balcad oo ay saaka weerar dheelmasho ah ku qaadeen Al-Shabaab.

Gaariga Kuwaad ayaa Qarxay Xili Ay Ciidamada Amaanaka Balcad Cayrsanaayeen Waxaana ku Dhaawacmay Lix Askari oo Ka Tirsanaa Ciidamadii Cayrsanaayay.

Alshabaab ayaana Saakay labo jiho kasoo Weerarar magaalada Balcad kuwaas oo Kala Ah Jihada Dhanka Jowhar iyo Jihada Dhanka Basra ee Gobalka Shabeelada Hoose.

Dagaal Qaraar oo Wocda ku Dhawaad Hal saac ayaa Alshabaab lagu Qasbay inay Dib ugu Laabtaan Halkii Ay Weerarka Kasoo Qaadeen Alshabaab Ayaana Ilaa 4 Mayd ah uga Cararay Gudaha Degmada Balcad.

Dhankooda milatariga Soomaaliya oo weli dhaq dhaqaaqyo wada ayaa haatan howlgallo ka wada agagaarka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Al-Shabaab ayaa bishan Ramadaan aad u kordhisay weerarada ay ku qaadeyso saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo Saacadaha Soosocda Laisku Shaandhaynaayo
Next articleMaxamed-Amiin oo Nafta Dhaafiyay xaaskiisa oo aheyd caddaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here