Home Wararka Maanta Golaha Wasiirada Dowlada Soomaaliya oo Go’aan kasoo saaray Ciidamadii La Geeyey Baladweyne(Sawiro)

Golaha Wasiirada Dowlada Soomaaliya oo Go’aan kasoo saaray Ciidamadii La Geeyey Baladweyne(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane  Maxamed Xuseen Rooble ayaa  guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay arrimo dhoor oo xasaasi ah.

Shirka ayaa intii uu socday diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, amniga, gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha .

Golaha Wasiirada shirka ay yeesheen ayaa looga soo horjeestay ciidanka milatariga iyo booliiska shalay la geeyay magaalada Baladweyne, waxa ayna wasiirada ka digeen in shaqada ciidamada aan la siyaasadeyn.

Shirka Golaha Wasiirada ayaana lagu amray in ciidanka lagu soo celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda laguna koobo shaqadooda ah sugidda Amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Rooble ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah oo katirsan xukuumadda ,maamulka Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne, kuwaa oo ka Shaqaynaya dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan.

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka dooday caqabadaha heesta ganacsatada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Suuqa Bakaaraha oo xiray goobahooda ganacsi kadib markii kooxda Daacish kusoo rogtay in ay bixiyaan lacago badan.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa faray wasaaradda amniga gudaha in ay qaado tallaabooyin deg deg ah oo wax looga qabanayo caqabadaha iyo cabsi gelinta heesata ganacsatada.

Ad
Previous articleCiidamada Danab oo Gubay Guryo iyo Gaari Alshabaab lahayeen(Sawiro)
Next articleDowlada Soomaaliya iyo Dowlada Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay arimo Muhiim ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here