Home Wararka Maanta Ciidamada Danab oo Gubay Guryo iyo Gaari Alshabaab lahayeen(Sawiro)

Ciidamada Danab oo Gubay Guryo iyo Gaari Alshabaab lahayeen(Sawiro)

0

Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal qorsheesan ay ka fuliyeen deegaano dhoor ah oo hoostaga degmada Balcad waxa ay ku dileen dagaalyahano  katirsan Al Shabaab, waxa ay sidoo kale ku gubeen xarumo iyo gaari ay lahaayeen Al Shabaab.

Wakaalada wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa shaacisay in ciidamada Danab oo howlgal gaar ah ka fuliyay deegaanada Xawaadleey, Shanloow Jameco, Yaaqle, Dhagaxoow ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumandooska Danab Gashanle dhexe, Axmed Cabdillaahi Nuur Beeryare, ayaa warbaahinta dowlada u sheegay in howlgalka ay fuliyeen ay ku dileen 15-xubnood oo katirsan Al Shabaab oo isugu jira saraakiil iyo dagaalyahano.

Waxa uuna xusay in ciidamada Danab inta ay howlgalka ku jireen ay bur buriyeen oo gubeen goobo uu sheegay in maxkamaddo u ahaayeen iyo goobo kale oo lacago uga qaadi jireen dadka deegaanka

 

Ad
Previous articleGuddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa hakiyay Kuraas Dhawaan la Doortay oo ay kusoo baxeen Rag Farmaajo watay
Next articleGolaha Wasiirada Dowlada Soomaaliya oo Go’aan kasoo saaray Ciidamadii La Geeyey Baladweyne(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here