Home Wararka Maanta Golaha wadatashi Qaran oo Mudo kordhin u sameeyey Waqtiga Doorashada oo ...

Golaha wadatashi Qaran oo Mudo kordhin u sameeyey Waqtiga Doorashada oo maantay Ku ekayd

0

Golaha Wadatashiga Qaranku dood iyo falanqeyn ka dib waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku aysan ku soo dhammaan xilligii loo qorsheeyay ee 25ka Febraayo 2022.

Golaha ayaa isla qiray in ay jireen caqabado dhowr ah oo sababay dib u dhacaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin; Xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan oo dowlad-gobleedyada saameyn weyn ku yeelatay, Xiisado amni oo ka soo kordhay deegaan doorashooyinka qaarkood iyo culeysyo ka jiray dhaqaalihii loo qoondeeyay fulinta doorashada.

Haddaba iyadoo la tixgeliyay arrimaha kor ku xusan, Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu isku raacay qodobbada soo socda:

1- In doorashada dhammaan kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo ugu dambeyn 15 Maarso 2022

2- Goluhu waxa uu isla qaatay in Ra’iisul Wasaaraha oo la tashanaya madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland uu u diro guddi soo qiimeeya xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey, kaas oo ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashooyinka, si uu uga soo talo bixiyo habka ugu suuro galsan ee doorashadaasi ku qabsoomi karto.

3- Goluhu waxa uu xoojiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%.

4- Goluhu waxa uu waalaac iyo qeylo dhaan ka muujiyay xaaladda ka sii dareysa ee abaarta dalka ka taagan, waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka codsaday in la kordhiyo gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

5- Goluhu waxa uu Shacabka Soomaaliyeed uga mahadcelinayaa dulqaadka iyo sida uu u garab istaagay qabsoomidda doorashada.

6- Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu bogaadinayaa doorka iyo tageerada Beesha Caalamka oo lagama maarmaan u ah dhameystirka doorashada dalka.

Ad
Previous articleCaasimada Dalka Ukrain oo Holcaysa kadib Qaraxyo ku Hoobanaaya(Sawiro)
Next articleOdayaasha Soo Xulaaya ergada Dooranaysa HOP#006,HOP#022 iyo HOP#003.