Home Wararka Caalamka Caasimada Dalka Ukrain oo Holcaysa kadib Qaraxyo ku Hoobanaaya(Sawiro)

Caasimada Dalka Ukrain oo Holcaysa kadib Qaraxyo ku Hoobanaaya(Sawiro)

0

Weerarka ciidamada Ruushku ku qaadeen wadanka Ukrine ayaa galay maalintii labaad, iyadoo dagaalo culus ay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah dalkaas

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa sheegay in Kyiv ay la kulantay weerar gantaal ah habeenadii xalay.

“Ganaalada Argagaxa leh ayuu Ruushka ku garaacay Kyiv,” ayuu ku soo qoray Twitter. “Markii ugu dambeysay ee caasimadeena ay la kulanto wax sidan oo kale ah waxay ahayd 1941 markii uu weeraray Naasigii Jarmalka.”

Qaraxyo is xigxiga ayaa mar sii horeysay laga maqlay magaalada Kyiv, kuwaasoo Herashchenko uu sheegay inay ahaayeen dhawaqa difaaca cirka ee diyaaradda.

Qaraxyo kale ayaa la maqlay ka hor waaberiga, sida uu sheegay goobjooge ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters.

Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday dalka Ukraine maalintii Khamiista, waxaana Kyiv laga soo sheegay tobaneeyo dhimasho ah iyo boqolaal dhaawac ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in dagaal xooggan uu subaxnimadii Jimcaha ka socday magaalada Sumy ee ku taalla waqooyi-bari ee dalkaas, halka bar xudduudda ah oo ku taalla koonfurta bari ee gobolka Zaporizhzhya lagu garaacay gantaallo, kuwaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ilaalada xuduudaha.

Dhinaca kale, Ciidamada Ukraine ayaa saaka soo riday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Ruushka oo dul maraysay magaalada Kyiv, taasoo dabadeed ku dhacday dhismo ay deggan yihiin dad shacab ah sida uu sheegay Anton Herashchenko, oo ah la taliyaha wasiirka arrimaha gudaha.

Ma kala cadda in diyaaradda la soo riday iyo iney heshay cilad farsamo balse Maamulka degmada Kyiv ayaa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhaawacmeen kadib markii dayuuradu ku dhacday guri dabaq ah.

Ad
Previous articleBooliska Maraykanka oo Soo qabtay Ninkii Dilay Shiik Soomaali ah oo maraykanka Dhawaan lagu Dilay
Next articleGolaha wadatashi Qaran oo Mudo kordhin u sameeyey Waqtiga Doorashada oo maantay Ku ekayd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here