Home Wararka Maanta Golaha Wadatashi Qaran iyo Midowga Musharixiinta oo Caawa Shir Degdeg ah isugu...

Golaha Wadatashi Qaran iyo Midowga Musharixiinta oo Caawa Shir Degdeg ah isugu imanaaya

0

Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta ayaa caawa leh shir dhanka Zoom-ka, kaasoo looga hadlayo caqabadaha ka jira doorashada, gaar ahaan hufnaan la’aanta ka jirta doorashada iyo sidii loo sixi lahaa qaladaadka ka jira doorashada

Musharaxiinta oo horay u soo saaray qoraal ay ku caddeeyeen qaladaadka iyo sixitaanka doorashada ayaa u gudbinaya Golaha Wadatashiga Qaran mowqifkooda ku aadan doorashada socota oo ay horay u dalbadeen in la hakiyo.

Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaamiyo ayaa laga sugayaa inay qaadaan tallaabooyin lagu saxayo cabashada ka jirta doorashada, si ugu yaraan loo soo celiyo kalsoonida doorashada, iyadoo horay Ra’iisul Wasaaruhu u balanqaaday in cabashooyinka wax laga qabanayo.

Ad
Previous articleCiidmada Daraawishta Galmudug oo Wada Qabanqaabadii ugu Danbaysay iyo Howlgal Bilaaban doona Dhawaan(Sawiro)
Next articleCiidamadii Galmudug ee lakala Dhexdhigay Maleeshiyaadki Ku Dagaalamay Balanbal oo kasoo baxay agaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here