Home Wararka Maanta Golaha Shacabka oo Maanta Kulmaya iyo Cabsi Laga qabo Waqti Kordhin inay...

Golaha Shacabka oo Maanta Kulmaya iyo Cabsi Laga qabo Waqti Kordhin inay sameeyaan

0

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday ayaa Sabtida maanta ah xarunta Villa Hargeysa ku yeelanaya kulan deg deg ah,  kaas oo dad badan ay shaki badan ka qabaan waxa ka soo bixi doona iyo ajedaha la hor geyn doono.

Xildhibaanada ayaa xalay lagu war-geliyey in maanta uu jiro kulan weyn, kaas oo looga hadlaayo xaalada xanuunka Covid-19 oo si weyn ugu faafay Soomaaliya, kadib markii uu dhawaan ku soo laba kacleeyey.

Dad badan oo siyaasadda falanqeeya ayaa qaba in xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday xilligaan aan la isugu yeerin ka hadalka xaaladda Coronavirus ee kulankaan wax badan lagu hoos qarinayo, isla markaana ay macquul tahay in la bedelo ajendihiisa, daqiiqadaha u dambeeya.

Cabsida ugu weyn ee la qabo waa in ay ansixiyaan mudo kororsi loo sameeyo hey’adaha dowladda federaalka oo waqtigii sharciga ahaa ee xil-heyntu ka dhamaaday

Ad
Previous articleSAWIRO Qarax Ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino Laga Helayo
Next articleDowladda UK oo War ka soo saartay Xaalada Doorasho ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here