Home Wararka Maanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Kulan Deg Deg ah Ka yeelanaaya...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Kulan Deg Deg ah Ka yeelanaaya Arimaha Somaaliya

0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xog-wareysi ah oo al-baabadu u xiran yihiin ka yeelan doonaan xaaladda guud ee Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Fiona Lortan iyo Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber ayaa golaha warbixin siin doona xaaladda Soomaaliya.

Dhinacyadaasi ayaa warbixin dheer ka bixin doona xaaladda amni ee dalka, isbedelka cusub ee dalka ka dhacay 15-kii May,dagaalka ka dhanka ah Shabaab, howlaha hoyaala ATMIS iyo abaaraha daran ee ku dhuftay Soomaaliya, kuwaasoo laga cabsi qabo iney macluul isu bedelaan.

Si kastaba, kulankan waxa uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah Al-shabaab iyo sidoo kale xaalad macluul daran oo la saadaaliiyay.

Ad
Previous articleMasaajid Kuyaala Maraykanka oo laweerarar Hanti Badana Laga Qaatay
Next articleKhilaaf Culus Oo Hareeyay Shirka Wasiirada Maaliyada Ee Ka Socda Muqdisho Iyo Qodobka La Isku Hayo