Home Wararka Maanta Geedow Maxamed Fidle (Abuurow)

Geedow Maxamed Fidle (Abuurow)

0

Askar la sheegay iney ka tirsan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo kuwa maamulka K/Galbeed ayaa saaka lagu toogtay magaalada Baydhabo ka dib markii dhowaan maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku riday.

Ragga la toogtay oo ka kooban labo askari ayaa lagu helay iney dilal kala duwan u geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed

Geedow Maxamed Fidle (Abuurow) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa lagu fuliyay Dil-toogasho taasoo ah Qisaasta Marxuum Mursal Cali Cabdi oo uu ku dilay Buur-hakaba, Dilka ayaa ka dhashay rasaas oo uu Geedoow huwiyay gaari Caasi ah oo ka yimid Muqdisho kuna sii jeeday Baydhaba.

Sidoo Ismaaciil Cadullahi Cadiraxmaan (Dhagey) oo ka tirsan Xooga Dalka ayaa isna horay u dilay Marxuum Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay qaraabo ahaayeen kana tirsanaa Saldhigga Boliiska Rabdhuure.

Ad
Previous articleCosoble oo ka Hadlay Sababtii ku kaliftay inuu Weeraro beesha Abgaal
Next articleAlshabaab oo Dagaal Culus kadib Xoog looga saaray Magaalada…(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here