Home Wararka Maanta Alshabaab oo Dagaal Culus kadib Xoog looga saaray Magaalada…(Sawiro)

Alshabaab oo Dagaal Culus kadib Xoog looga saaray Magaalada…(Sawiro)

0

Ciidanka Xoogga dalka ayaa la sheegay iney Al-shabaab ka saareen degaan hoos taga degmada Waajid ee Gobolka Bokool.

Waxaa howlgalkan Ururka 260aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Al-shabaab kala wareegay gacan ku haynta degaanka Eel-Boon oo qiyaasti 48 Km Galbeedka kaga beegan degmada Waajid.

“Howlgalka xoreynta Eel-Boon ayaa Khawaarijta looga Furtay hub iyo Gawaari ay u isticmaalayeen dhibaateynta shacabka oo ay uga carareen deegaankaas” ayuu yiri sarkaalka hogaaminayey howlgalkaas.

Dhamme Onkod Macalin Aadan Taliyaha Ururka 260aad Ee Guutada 9aad Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay iney sii wadi doonaan howlgalka ayna ku wajahan yihiin degaano kale.

Ad
Previous articleGeedow Maxamed Fidle (Abuurow)
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Qasa oo wali Duqaymo Culus ku socdaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here