Home Wararka Caalamka Gantaal Soo Qaldamay oo Ku dhacay Dalka Pakistaan khasaaro Dhimashana Gaystay

Gantaal Soo Qaldamay oo Ku dhacay Dalka Pakistaan khasaaro Dhimashana Gaystay

0

Gantaal si khalad ah uga soo baxsaday milatariga dalka Hindiya ayaa si lama filaan ah ugu soo dhacay gudaha dalka Pakistan, waxaana gantaalkaasi lasoo warinayaa in uu geestay khasaaro dhimasho .

War kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalka Hindiya ayaa lagu sheegay in gantaal si khaldan loo riday 9-kii bishan in uu ku dhacay gudaha dalka Pakistan, waxa ayna wasaaradu sheegtay in ay socdaan baaritaano ku aadan gantaalkaasi .

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in cilad farsami sababtay tijaabada gantaalka sida khaldan loo riday ee arbacadii ku dhacay dalka Pakistan, waxa ayna wasaaraddu sheegtay in gantaalkan uu musiibo ahaa ayna ogaaneyso khasaaraha uu geestay.

“Gantaalka si khaldan ayaa loo riday 9-kii March, waxaana sababtay cillad farsamo oo ku timid tijaabooyinka caadiga ah, annagoo aad uga qoomameyneyna khaladka dhacay haddana waxaan ku faraxsan nahay in uusan jirin khasaare aad u baaxad weyn,”ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda gaasnaadhigga Hindiya.

Gantaalkan kasoo dhacay dalka Hindiya ayaa arbacadii ku dhacay magaalada Mian Channu ee hoos tagta maamulka degmada Khanewal ee dalka Pakistan gaar ahaan meel u dhaw xero lagu tababaro booliiska Pakistan, waxaana la xaqiijiyay in labo qof dilay gantaalka.

Dadka deegaanka ayaa arkay shey xawaare aad u dheereeya ku socday oo ku dhacay dhulka, waxaana markii hore loo maleenayay in halkaasi ku bur burtay diyaarad si khaas ah loo watay.

Sargaal u hadlay dalka Pakistan ayaa xaqiijiyay gantaalkan kusoo dhacay gudaha Pakistan, waxa uuna sargaalkan sheegay in markii hore la garan waayay sheyga xawaaraha sare kusocday ee kusoo dhacay gudaha Pakistan kana yimid dhinaca Hindiya.

Gantaalkan kasoo fakaday dalka Hindiya ee kusoo dhacay Pakistan ayaa nuuciisa lagu sheegay BrahMos, waxaana gantaalkan si wadajir ah u farsameeyay milatariga Hindiya iyo shirkad laga leeyahay dalka Ruushka, waana gantaal xawaarihiisu aad u dheereeya.

Ad
Previous articleHirshabeele oo Shaacisay 4 Kursi oo Mid kamid ah ay Mucaaradka iyo Farmaajo Ku loolami Doonaan
Next articleDeg Deg: Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here