Home Wararka Maanta Ganacsato ku hanti beeshay Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo lacago loo...

Ganacsato ku hanti beeshay Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo lacago loo qeybiyay (Sawirro)

0

Guddi isugu jira ganacsato iyo culumaa’udiin ayaa u istaagay sidii garab loo siin lahaa qaar kamid ah ganacsatadii ku hanti beelay dabkii ugu dambeeyay ee dhawwaan baabi’iyay qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha.

Dabka ka kacay suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku hanti beelay qaar kamid ah ganacsatada suuqaasi, waxaana u istaagay sidii wax un loogu ceymin lahaa ganacsatadaasi guddi ganacsato iyo culumaa’udiin isugu jira oo is abaabulay.

Munaasabad ka dhacday suuqa Bakaaraha ayaa lacago guddiga kasoo ururriyeen qaar kamid ah shirkadaha dalka ka jira iyo sidoo kale ganacsato Soomaaliyeed waxa ay u qeybiyeen ganacsatdii dabka ku hanti beelay qaarkood.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada Suuqa Bakaaraha Xasan Mire Dhiif oo sidoo kale hoggaaminayay guddiga taakuleynta oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in lacagaha loo qeybiyay ganacsatada laga soo uruuriyay shirkado iyo walaalo kale oo muxsiniin ah.

Waxa uu sheegay in lacagahaasi lasoo aruuriyay loo qeybiyay ganacstadii ku hanti beeshay dabka, waxa uuna sheegay in ganacsade walbo la siiyay qadar lacag ah oo guddiga ugu tala galeen , isagoona u mahadceliyay ganacsatadii iyo dadkii kale ee lacagaha ku deeqay.

Guddoomiye Xasan Mire Dhiif ayaa sheegay in Suuqa Bakaaraha marar badan uu dab baabi’iyay, waxa uuna ganacsatada kula dar daarmay in laga hortago sababaha qaar ee mararka qaar keena in suuqa gubto kuna baaba’aan hanti badan..

Culumaa’udiin iyo qaar kamid ah ganacsatada Muqdisho ayaa sidoo kale ka hadlay munaasabadda lacag qeybinta, waxa ayna u mahadceliyay walaalihii soo gurmaday, iyagoona ganacsatada lacagaha la siiyay ilaah uga baryay in lacagta yar ee la siiyay u barakeeyo.

Suuqa Bakaaraha dabkii ugu dambeeyay ee qabsaday ayaa waxaa ku hanti beelay ganacsato badan oo Soomaaliyeed ,kuwaa oo qeybaha gubtay ku lahaa ganacsiyo ay nolol maalmeedkooda ku dabara jireen.

Ad
Previous articleSenatar Ike Ekweremadu iyo Xaaskiisa oo lagu helay ka ganacsiga xubnaha jirka Bani’aadanka
Next articleCulumada Ahlusuna Oo Xariirka U jaray Wasaarada Uu Hogoomoyo Rooboow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here