Home Wararka Maanta Culumada Ahlusuna Oo Xariirka U jaray Wasaarada Uu Hogoomoyo Rooboow

Culumada Ahlusuna Oo Xariirka U jaray Wasaarada Uu Hogoomoyo Rooboow

0

Qaar ka mid ah Culimada Dariiqooyinka Suufiyada ee Ahlu-Suna Waljameeca ayaa sheegay inay xiriirka u jareen Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Shiikh Mukhtaar Roobow Cali oo eedeymo culus u jeedinayeen muddooyinkan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegeya in khilaafka ugu weyn iyo arrimaha ay ka careysan yihiin culimada Ahlu Suna ay salka ku hayaan Culimo ay Wasaaradu shaqaaleysay iyo Qoondo ay ka heli jireen adeegyada Xajka oo qatar ku jira.

Muranka koowaad ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii Wasiir Roobow shaqaaleeyay Culimo loogu talogalay inay xoojiyaan dagaalka dhinaca Diinta ah ee lagula jiro Alshabaab, iyadoo la sheegay in culimada la soo xulay ay intooda badan ahaayeen kuwa Salafiyiinta loo yaqaan, taasoo ay qeylo-dhaan ka keeneen Ahlu sunna oo isku aragta in kaalintaas aan iyaga looga horeyn.

Khilaafka Ahlu suna iyo Wasiir Roobow ayaa ayaa sidoo kale salka arrimaha Xajka oo ahaa muddo dheer mashruuc dhinacyo kala duwan hanti iyo Qoondooyin ka helaan, kaasoo Wasiir Roobow uu go’aansaday in lagu tartamo, shirkadahana ay kala reebaan Guddi uu dhisay.

Kooxda culimada Ahlu Suna ayaa ka hor timid sida wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta u soo xulay Culimada ay qoratay Wasaarada, waxayna arrinta u bedeleen in Wasiirku dhinacooda colaadinayo, fekerkii Alshabaab inuusan ka tanaasulin ayeyna ku sifeeyeen iyagoo doonaya iney ku soo jeedinayaan indhaha dadka.

Culimo ka tirsan Ahlu Suna oo warbaahinta kasoo muuqday ayaa caddeeyey in Sheekh C/qaadir Soomow aanu metelin Culimada Ahlu-suna, markii uu dhexdhexaadin ka galay arrintooda, laakiin maanta ayuu Shiikh Soomow oo dhinaca kale ka tirsan culimada u qoran Dowladda caddeeyay inay xiriirka u jareen Wasiir Roobow.

Arrintan danbe waxay iyadana salka ku heysaa tartanka shirkadaha bixin doona Adeegga Xajka ee sanadkan oo wejigii koowaad laga gudbay, laakiin Sheekh Soomow ayaa ku eedeeyay Wasiirka Sheekh Mukhtar Roobow inuu tartanka ka reebay shirkadihii Ahlu suna taabacsanaa.

Mukhtaar Roobow ayaa wararku sheegayaan inuu dhabarka u ritay mas’uuliyadda maamulka Xajka, isagoo madaxda sare u ballanqaaday inuu si hufan oo daah furan sanadkan loo maamuli doono Xajka, waxayna kooxdii ugu horeysay ee qorshahaasi ka hor timaada noqotay Ahlu Sunada ku milan madaxda DF oo dooneysa in la tartamin oo la qeybsado shirkadaha adeega xajka.

Ad
Previous articleGanacsato ku hanti beeshay Dab ka kacay Suuqa Bakaaraha oo lacago loo qeybiyay (Sawirro)
Next articleMareykanka iyo Canada oo gaaray heshiis ka nixiyay dadka soo galootiga ah oo Soomaalidu ku jiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here