Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay maleeshiyaad hubeysan ka gaysteen agagaarka magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo loo gaystay ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ahaa.
Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Labagaras iyo Ceel Muluq ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Marxuumiinta la dilay oo dhammaan ahaa dhalinyaro ayaa waxaa lagu kala kala magacaabi jiray Axmed Abuukar Aw-Cumar, Cali Muxyidiin Cali iyo Maxamed Cali Maxamuud, sida aaanu ku soo xignaay ehellada dadkaasi xalay lagu dilay duleedka degmada Cadale.
Sidoo kale maleeshiyaadka hubeysan ee dilka gaystay ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan socda howlgallo ay wadaan ciidanka amniga.
Dhacdadan ayaa sidoo kale cabsi ku beertay dadka deegaanka, maadaama ay dib usoo nooleyn karto colaaddii muddada ka taagnayd halkaas oo dhowaan uun xal laga gaaray.
Toogashada saddexdan qof ayaa kusoo aaday, ayada oo maalmo kahor deegaanka Burka Dirimeed lagu soo xiray gogol nabadeed oo ay garwadeen ka ahaayeen madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, taas oo laga soo saaray go’aanno culus oo ku aadan ka hortagga colaaddaasi.