Home Wararka Somaliya Galmudug Ganacsatadii Galmudug ee ku hanti beelay doontii gubatay oo hadlay

Ganacsatadii Galmudug ee ku hanti beelay doontii gubatay oo hadlay

0

Shalay galinkii danbe waxaa uu dab ka kacay doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed, taas oo u socotay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, siddayna badeeco kala duwan oo u badan gawaari.

Doonta ayaa marka ay gubanaysay waxa ay maraysay inta u dhaxaysa dekadda dalka Cumaan ee Salalah iyo jasiiradda Sokotra ee dalka Yemen oo qiyaastii 240 kilomitir u jirta dhulka Soomaaliya.

Mursal Maxamuud Aadan oo ah wakiilka doonta dabka uu ka kacay oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in aysan ilaa iyo hadda caddayn sababta dhabta ah ee keentay in ay doontaasu gubato.

“Doontu waxaa ay wadday alaabo kala duwan oo waliba u badan baabuurta baasiinka ah, marka waa iska fududdahay haddii maqaadiiri imaato, laakiin waxaan filaynaa in shaqalaha doonta saaran oo sigaar cabay ay tahay in dabka uu ka kacay ayada oo xilli dabaylo lagu jiro,” ayuu yir Mursal.

Hanti badan oo ay leeyihiin ganacsto Soomaaliyeed oo isugu jirta bagaash iyo ku dhawaad 100 gaari ayuu tilmaamay in halkaasi ay ku khsaartay oo aan waxba laga badbaadin.

“Khasaaraha soo gaaray ganacstada wax lasoo koobi karo ma ahan in kasta oo aan wali si sax ah loo xisaabin beedacada haddana waxaan ku qiyaasi lahaa ku dhawaad hal milyan oo doollar,” ayuu intaas raaciyay.

Waxaa uu sheegay in alaabaha doonta saarnaa xataa qaarkooda laga lahaa Dowlad Deeganka Soomaalida ee dalka Itoobiya iyo guud ahan gobollada kala duwan ee Soomaaliya.

“Xalay meel aan la iga soo wicin ma jirto Xamar, Hiiran, Dowlad Deegaanka iyo Puntland. Marka ganacsto Soomaaliyeed oo meel walba joogta ayaa iska laha badeecada” ayuu yiri.

Doontan oo lagu magacaabo Furaat 3 ayaa 12-kii bishan kasoo kicitantay magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, sida uu sheegay Maxamed Salaad warsame oo ku sugan magaalada Dubai kana mid ah ganastada alaabata ay u saarnayda doonta.

“Waa markii labaad oo aan khsaaarayo lacag dhan 100 kun oo doollar markiiba”

Maxamed oo isaga oo ku sugan dalka Iskutaga Imaaradka Carabta BBC-da wareysi siiyay ayaa sheegay in hanti fara badan uu ku waayay doontii shalay gubtay.

“Anigu shirkada ayaan ka mid ahaa doonta hanti badan oo ku dhow 100 kun oo doollar ayaa iiga khasaartay aniga kaliyana ma ahan ee shirkado iyo saaxiibbo badan ayaa ila khasaaray”.

Waxaa uu sheegay in doontaan ay asalkeeda leeyihiin ganacsto Hinidi ah, balse ay kasoo kiraysteen ganacsto Soomaaliyeed oo ayagu alaabaha iyo doontaba mas’uul ka ahaa.

“Xariir ayaan la sameeynay ganacsatadii Soomaaliyeed ee doonta mas’uulka ka ahaa, waxba noo sheeegin aan ka ahayn in doontii ay gubtay hantidiina ay khasaartay“ ayuu yir Maxamed Salaad Warsame.

Ganacsade Maxamed waxaa uu sheegay in ay tahay markii labaad ee sanadka gudihiisa oo dooni alaab u sidday ay gubato oo uu ku waayo hanti gaaraysa ku dhowaad 200,000 oo doollar marka la isku daro labada jeer.

“Bishii Febraayo ee sanadkaan waxaa igu dhacday middaan oo kale oo dooni badeeco ii wadday ayaa gubatay, waxaana ku wayay hanti badan oo baabuur iyo qalabka gawaarida isugu jira marka arrintaas gancsigeenna hoos ayay u dhigtay“.

“Ma jirto wax caymis ah oo hantideenna ay ku jirto haddii aan nahay ganacstada reer Hobyo iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed“ ayuu yiri Maxamed Salaad.

Hantida ugu badan ee doonta ku gubatay waxaa iska lahaa ganacsato kasoo jeeda Galmudug, waxayna doonayeen in badeecada iyo gaadiidkaas ay kala soo degaan dekedda Hobyo oo hadda u shaqeysa si ku meel gaar ah.

Ad
Previous articleQarax dad ku dhinteen oo ka dhacay dalka ugu muslimiinta badan caalamka
Next articleGaari ay leedahay Shirkada Hormuud oo la Qarxiyay iyo Dhimasho ka Dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here