Home Wararka Maanta Gaari ay leedahay Shirkada Hormuud oo la Qarxiyay iyo Dhimasho ka Dhalatay

Gaari ay leedahay Shirkada Hormuud oo la Qarxiyay iyo Dhimasho ka Dhalatay

0

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Qarax lagu xirey gaari noociiisa yahay Noah oo ay leedahay shirkada isgaarsiinta Hormuud oo shalay ka dhacay degmada Hiliwaa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku dhintey Cabdiwahaab Cismaan Axmed oo ahaa shaqaale ka tirsan shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay degmada huriwaa, halka sidoo dhaawacyo halis ah uu ka soo gaaray labo hawl-wadeeno oo kale.

Qaraxaan ayaa dhacay 10 maalmood kadib qarax weyn oo nooca miinada dhulka lagu aaso ah oo duleedka Muqdisho lagula eegtay gaari ay lahayd Shirkadda Hormuud kaasi oo sababay dhimashada Axmed Cumar cabdulle oo ka tirsanaa Shaqalaha Shirkadda Hormuud.

Waxaa xusid mudan in bishii November ee sanadkaan qaraxyo is xigxigey lala beegsaday qaar ka mid ah laamaha shirkaddu ku leedahay Xero-Jarmal (Xarutii Tababarka Farsamada Gacanta XTFG) ee Degmada Dayniile & BTS-kii degaanka Muusaaley ee Ceelasha biyaha.

Lama oga sababta loo beegsanaayo gawaarida iyo laamaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan kala duwan, iyo dad ay dowlada usoo soo xirey falalkaas gurracan.

Ad
Previous articleGanacsatadii Galmudug ee ku hanti beelay doontii gubatay oo hadlay
Next articleWararkii ugu Danbeeyey Dagaalkii Qaraaraa ee ka dhacay Duleedka Caad iyo Ciidamada Dowlada oo Hareereeyey….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here