Home Wararka Maanta Ganacsade Bartamaha Guriceel caawa loogu Dhexdilay

Ganacsade Bartamaha Guriceel caawa loogu Dhexdilay

0

Ganacsade Cabdullahi Cali Hudeey  oo la dhashay Taliyaha Booliska GURICEL Cismaan Cali Hudeey ayaa goordhow Caawa lagu dhex dilay goobtii ganacsi oo Guriceel ku dhex taal.

Aun Cabdullaahi Cali Hudeey Oo ay Wada Dhasheen Taliyaha Booliiska Degmada Guriceel Cusmaan Cali Hudeey Ayaa Hadda lugu toogtay Bartamaha Degmada Guriceel Gaar ahaan Halka loo yaqaanno Beder Yareey oo Saldhigga Kaabiga Ku haysa.

Nin Hubaysan Ayaa 5 Xabbadood Ku dhuftay Marxuumka.

Arrintaan Ayaa kusoo aadaysa Xilli Maalmahii lasoo Dhaafay ay Banaanka Yaaleen Laba askari oo Katirsanaa Booliska Guriceel meydkooda kuwaas oo Maantaya Duugay.

Dhanka kale Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan iyo saraakiil sare oo ka socota Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa soo gaaray Degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, iyagoo u yimid baarista kiis(Case) isku dhac dhexmaray ciidamo ka tirsan Booliiska iyo Nabad Sugida Guriceel oo dhinac ah iyo Ciidamo Militry ah, uuna ka dhashay dhimasho iyo dhaawac

 

Ad
Previous articleSenotar Cabdixakiin Macalin Axmed oo Farsamo Layaab leh lacag Badan looga Dhacay
Next articleDuqaymo Culus oo lala Beegsaday Guri kuyaala Degmada Jilib oo Saraakiil Alshabaab ah ku jireen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here