Home Wararka Somaliya Jubbaland Duqaymo Culus oo lala Beegsaday Guri kuyaala Degmada Jilib oo Saraakiil Alshabaab...

Duqaymo Culus oo lala Beegsaday Guri kuyaala Degmada Jilib oo Saraakiil Alshabaab ah ku jireen

0

Wararka laga helayo gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in maanta duqeyn ay fuliyeen diyaaradeedaha taageera dowladda federaalka ay ka dhacday gudaha degmada Jilib oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca koonfurta dalka Soomaaliya.

Duqeynta oo aheyd mid culus ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday guri ku yaalla gudaha degmadaasi, kaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntu ay dhacday xilli uu shi u socday saraakiisha iyo xubnaha kale ee ku sugnaa guriga la duqeeyay ee ku yaalla degmada Jilib.

Saraakiil ajnabi ah ayaa sidoo kale lasoo wariyay inay qayb ka ahaayeen shirka, isla-markaana lagu duqeeyay gurigii ay ku jireen, kadib weerar lama filaan ah oo lagu qaaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegay inuu jiro khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka ee ku aadan duqeyntaasi lala eegtay kooxda Al-Shabaab oo fadhi weyn ku leh Jubbooyinka.

Dhanka kale, Al-Shabaab kama hadlin weerarkan duqeynta ah ee lagu qaaday, kaas oo kusoo aaday, xilli ay haatwan kooxdu wajaheyso culays aad u xoogan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa inta badan gobollada Jubbooyinka oo ay ka socdaan abaabul ciidan oo xoogleh.

Si kastaba maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa sare u qaaday howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha dalka.

Ad
Previous articleGanacsade Bartamaha Guriceel caawa loogu Dhexdilay
Next articleBuundadii Baardheere oo Gabi ahaanba Go,day Kadib Roobab Culus oo Da,ay Galabtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here