Duqa Magaalada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Geedaqoroow, Wasiir kuxigeennada beeraha iyo shaqada iyo Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Galmudug ayaa deeq ay iska aruuriyeen waxa ay gaarsiiyeen dadka ay Abaaruhu Saameeyeen ee ku sugan duleedka Dhuusamareeb.
Boqol Qoys oo ka mid ah Dadkan oo intooda badan ah kuwo kasoo barakacay dagaalkii ka dhacay dhowaan degaanka Bohol iyo kuwo ay abaaruhu saameeyeen oo ay duruuf adag ku haysato halkaasi ayaa loo qeybiyay raashiin isugu jira Bur, Bariis ,Sokor iyo saliid.
Cali Cabdinuur oo ku hadlayay afka mas’uuliyiinta halkaasi geysay deeqda ayaa sheegay in dadka ay raashiinka siiyeen ay ahaayeen kuwo aad u duruufeysan, wuxuuna intaa ku daray inay u qiimeeyeen sida ay u kala daran yihiin dhowaanna ay gargaar kale gaarsiin doonaan inta aan weli helin gargaarka.
Wasiirka Maaliyadda Maraykanka, Scott Bessent ayaa ku eedeeyay hay’adda lacagta adduunka ee (IMF) iyo Bangiga Adduunka inay aad uga leexdeen howlihii loo aasaasay. Bessent ayaa sheegay IMF ay ku bixinayso
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka War-gaadhi, oo ku
Wararka naga soo gaaraya gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay galinkii dambe ee shalay afduub u geysteen
Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu