Home Wararka Maanta Dowladda Soomaaliya oo dib usoo Calinaysa Ciidamo Muddo Sanada ah La Baadi...

Dowladda Soomaaliya oo dib usoo Calinaysa Ciidamo Muddo Sanada ah La Baadi goobayay

0

Maalmaha Soo Aadan Dowladda Soomaaliya ayaa Dalka dib ugu soo Calin doonta inta badan dhalinyaradii Wadanka Eleteria Tababarka Ciidan Loogu qaaday in Muddo ahna ay Waalidiin Farabadan ay Baadi goobayeen.

Ilo Muhiim ah oo ka Tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa caawa ii xaqeejiyay in Ciidamadaan La dajin doono Dhowr Xero Ciidan oo ay qeyb ka yihiin Nacnaca iyo Xerada Gen, Golden iyo Xerooyin kale Maadaama ay yihiin Ciidamo aad u Tira badan.

Ujeedka Madaxweyne Farmaajo u aaday Wadanka Qadar ayay qeyb ka tahay in Dhalinyaradaan Dalka dib Loogu Soo caliyo si Amniga Doorashada ay qeyb uga qaataan, Maadaama Laga shaki qabo Soo laabashada Badbaado Qaran, Balse waxaana La ogeen sida ay Ciidamadaan u Howlgali doonaan.

Ciidamadaan Ayaa Qaarkood Wadanka ka maqan Muddo dhan dhan 3 sano, Halka kuwa kalana ay maqanyihiin ku dhawaaad 2 sano, waxaana Waalidiinta dhalay oo in Mudda ah u qayliyay Caruurtooda aysan Helin Jawaab sax ah oo Dowladda dhankeeda ah.

Ad
Previous articleGalmudug oo Gargaar gaarsiisay Barakacayaal ku sugan Duleedka Dhuusamareeb {Sawiro}
Next articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay inay dishay 12 ruux oo Shabaab ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here