Home Wararka Maanta Galmudug oo Gacanta Ku dhigtay Gaadiid Sahay u waday alshabaab

Galmudug oo Gacanta Ku dhigtay Gaadiid Sahay u waday alshabaab

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda, kuwa booliska oo kaashanayo ciidanka dadka deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Mudug.

Howlgalkan oo ka dhacay aagga degmada Wasil ayaa waxaa laga gaaray guullo waa wayn, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku soo dhigeen laba gaari oo shidaal iyo agab kale u siday kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay heleen xogtooda, isla markaana ay ku qabteen meel dhexe, kahor inta aanay gaarin deegaanada ay ka arrimayaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi kusii dareen inay la qabtay darawalladii gawaaridaas oo ay tilmaameen in haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, maadaama la tuhmayo in sahaydaan ay u wadeen maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Mudug.

Ciidamada iskaashanaya ayaa weli howlgallo culus ka sii wada aagga degmada Wasil, kuwaas oo lagu beegsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan halkaasi.

Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada ay kaga sugan Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleGabar Somali ah oo lagu dilay Xaafada Märsta ee Caasimada Stockholm
Next articleLafragareen oo Caawa U Dabaal Dagaaya sanadguradiisi Lixaad iyo Wafdi Culus oo Baydhabo Gaaray(Sawiro)