Home Wararka Maanta Galmudug oo Amar Culus soo Rogtay oo la Xariira Dagaalka Alshabaab

Galmudug oo Amar Culus soo Rogtay oo la Xariira Dagaalka Alshabaab

0

Wasaaradda Amniga ee dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta soo saartay awaamiir cusub oo la xiriira amniga magaalada Dhuusamareeb, xilli ay maamulkaasi ka billowdeen dagaalka ka dhanka Al-Shabaab.

Awaamiirta kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta la xiray dhamaan waddooyinka ka yimaada dhanka bari ee caasimada Galmudug illaa amar dambe.

Waddooyinka la xiray ayaa kala ah; Wadada aadda ama ka timaada Ceel-buur oo laga xoreeyay cadowga, wadada Miirdugul iyo wadada Ceel Cali iyo Gunsar, sida lagu sheegay warqada kasoo baxday Wasaaradda amniga Galmudug.

“Waxaa dhamaan la farayaa gaadiidleyda mara wadooyinkaas ina ay u hogaansamaan awaamiirta wasaaradda amniga,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda amniga Galmuudg.

Sidoo kale waxa la faray hay’addaha amniga caasimadda Galmudug u xil-saaran in ay dhaqan-galiyaan waajibaadkooda amniga.

“Sidoo kale waxaa laga codsanayaa dhamaan bulshada caasimada iyo nawaaxigeeda in ay qeyb ka noqdaan amniga caasimadda,” ayaa lagu yiri warqadan oo uu ku saxiixna wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga gudaha dowlad-goboleedka Galmudug.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, kuwaasi oo durtaba laga gaaray guulo waaweyn.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleAabe Abuukar Xuseen oo maseeray gabdhiiisa si arxan darro ah ugu dilay Muqdisho
Next articleWAR DEG DEG AH: Ciidamo Ka Tirsan Alshabaab oo Goordhow isku Dhiibay Degmada Wisil