Home Wararka Maanta Aabe Abuukar Xuseen oo maseeray gabdhiiisa si arxan darro ah ugu dilay...

Aabe Abuukar Xuseen oo maseeray gabdhiiisa si arxan darro ah ugu dilay Muqdisho

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii Aabe Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Abuukar Xuseen oo gabadhiisa si arxan darro ugu dilay magaalada Muqdisho.

Dhacdadan ayaa si gaar ah uga dhacday guri ku yaalla xaafadda Badbaado ee degmada Dharkenley, waxaana gabadha la dilay ay jirtay 6 bilood, sida ay sheegeen ehelladu.

Aniso Maxamed Cabdi oo ay walaalo yihiin gabadha yar oo la hadashay Shabelle TV ayaa ka warbixisay, sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay in bir iyo garaaciis uu gabadha yar ku dilay Aabaheed, waxaana arrintaan lala xiriiriyay maseer uu qaaday darteed.

“Walaashey oo kor loo qaaday oo dhulka lagu deeyay oo bir madaxa looga garaacayo ayaan guriga soo galay,” ayeu tiri Aniso Maxamed Cabdi.

Sidoo kale waxa intaasi kusii daray in aysan waxba galabsan gabadha yar, isla-markaana si silicsan loo dilay oo arxan darro.

Saqiir ayey aheyd 6 bilood ayey jirtay waxba ma galabsanin qof ay wax ka haleysana ma lahan. walaashey xaqeeda in loo soo dhiciyo ayaan rabaa,” ayey sii raacisay Aniso.

“Dowladd sharaf leh ayaan ka codsaneynaa inay wax noo qabato, xanuunka qalbiga iga haayo ayaa wax weliba iiga daran oo walaashey iga dilay,” ayeuu markale tiri.

Dhinaca kakel qaar ka mid ah ehellada qoyskan oo ka soo muuqday muuqaalka ayaa sheegay in ay weli handadaad kala kulmayaan Aabaha, isla-markaana ay isaga qaxeen gurigooda, cabsi ay ka qabaan darteed inuu markale ku soo weeraro xaafadooda.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan, waxaana walaac iyo murugo ku reebtay ehellada gabadha yar iyo dad dariska ah.

Ad
Previous articleTirada dadkii ku dhintay dagaalkii gobolka Tigreega ee Itoobiya oo lasoo saaray
Next articleGalmudug oo Amar Culus soo Rogtay oo la Xariira Dagaalka Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here