Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug iyo Puntland oo ka Shiray Xaalada Amniga iyo sidii la isaga...

Galmudug iyo Puntland oo ka Shiray Xaalada Amniga iyo sidii la isaga kaashan lahaa

0

Iyadoo Mudooyinkii la Soo dhaafay si weyn loo kordhiyay Amniga Gaalkacyo sidii loo xaqeejin lahaa Ayaa Maanta Taliyaha Ciidanka Booliiska Maamulka Puntland Sareeye guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) waxuu Maanta booqasho ku yimid Saldhiga bartamaha magaalada Galkacayo qaybta Galmudug.

Gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire iyo Gaashaanle Dhexe Qaasim Shirdoon Cali, Taliyaha taraafikada Galmudug  Aadan Urur,Taliye ku xigeenka qeybta gobolka G/dhexe Mudug Cabdi Saciid xussen {Koomaad} ayaana Taliyaan Ku Soo dhaweeyay Saldhiga.

Saraakiisha Booliska Puntland iyo Galmudug ayaa wada yeeshay Shir looga hadlayay Xaalada Amni ee labadan dhinac dardar galinta adkaynta amniga Gobolka iyo Xoojinta wadashaqayneed ee laamaha kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sareeye guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa saraakiisha labada dhinac waxa ay  uga warameen sida Amniga Gobolka Mudug uga wada shaqeeyaan  iyagoo tilmaamay in ay Guulo waawayn ka gaareen  ciribtirka waxkasta oo lidku ahaa Amniga Gobolka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Sareeye guuto Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa u mahadceliyay Saraakiisha Booliska labada dhinac isago ku booriyay inay balkaas wada shaynta ka sii wadaan.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo ka Hadlay Geerida Wasiirkii Hore ee Waxbarashada Soomaaliya
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo isbitaalka Baraawe Daawo ku wareejiyay , waxuuna Kormeeray Goobaha Doorashada (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here