Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Galmudug iyo Hirshabelle oo diiday Muddo Kororsi xili xalay ay la kulmeen...

Galmudug iyo Hirshabelle oo diiday Muddo Kororsi xili xalay ay la kulmeen Madaxdu Musharaxiinta

0

Madaxweynayaasha maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa kulan la qaatay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan ayaa ka dhacay guriga Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo Madaxda u sameeyay afur.

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo kulankaan ayaa looga hadlay arimaha doorashooyinka gaar ahan muddo kordhintii dhawaan ay sameeyeen Xildhibaanada Muddo xileedkoodii dhammaaday ee Golaha Shacabka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta iyo labadda Madaxweyne ay ka qaateen go’aan rasmi ah Muddo kordhinta taasoo ah in aan la aqbalin oo ay si wadajir ah uga soo horjeestaan.

Waxaa lagu waddaa in ay soo saaraan war ku saabsan go’aankooda xilli horay maamulka Galmudug ay u caddeeyeen in aysan aqbali doonin wixii ku saabsan muddo kordhin loona baahan yahay in doorasho la aado.

Haddii ay dhacdo in labada Madaxweyne ay kasoo horjeestaan waxay u badan in muddo kordhinta ay fashil kusoo dhamaato.

 

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleMaraykanka oo Safiirkii Soomaaliya Bedalay mid cusubna usoo Magacaabay
Next articleWarar laga helayo kulankii xalay dhexmaray Qoorqoor, Guudlaawe iyo Musharaxiinta