Home Wararka Somaliya Maraykanka oo Safiirkii Soomaaliya Bedalay mid cusubna usoo Magacaabay

Maraykanka oo Safiirkii Soomaaliya Bedalay mid cusubna usoo Magacaabay

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ka filayaa inuu Safiir cusub u soo magacaabo Soomaaliya, kaasoo bedelaya Donald Yamamoto oo howshiisa diblomaasiyadeed u soo dhamaatay.

Safiirka cusub ee bedelaya Yamamoto ayaa lagu magacaabaa Lary Edward Andre, kaasoo ahaa Safiirka Jabuuti tan iyo sanadkii 2017.

Lary ayaa sidoo kale Safiir ka soo noqday dalalka Mauritania iyo Koofurta Suudaan, waa 60 jir, tan iyo sanadkii 1990 ayuu ka soo shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda

Mareykanka ayaa Soomaaliya ku leh Safaarad, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Ad
Previous articleAkhriso Xildhibaanadii Saxiixay Muddo Kororsiga iyo Deegaanada ay ka soo jeedaan
Next articleGalmudug iyo Hirshabelle oo diiday Muddo Kororsi xili xalay ay la kulmeen Madaxdu Musharaxiinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here