Home Wararka Maanta Galmudug: dad ceelbiyood ku dhintay

Galmudug: dad ceelbiyood ku dhintay

0

Wararka ka imaanaya deegaanka Goola Goole oo dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud 75-KM ayaa sheegaya in halkaasi sadax ruux ay ku geeriyoodeen kadib markuu kusoo dumay Ceel biyood ay qodayeen.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in sadax ruux ee uu kusoo dumay Ceelka biyoodka xili ay qodayeen, waxaana la sheegay in meydadkooda laga soo saaray waqtig dambe.

Gobolka Galgaduud deegaanadiisa inta badan dadka waxay ku tiirsan yihiin oo ay biyaha ka cabaan Ceelal aad u dhaadheer, oo si farsameysan u qotaan dadka ku nool deegaanada Miyiga gobolkaasi.

Waxaa horay sidaan oo kale uga dhacay deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolka Galgaduud iney dad ugu dhinteen Barkadaha biyaha laga cabo iyo Ceelal biyoodyo sidaan oo kale kusoo dumay.

Ad
Previous articleXog ku saabsan Rooble iyo Farmaajo oo Maanta Kulmaya
Next articleDiiwaan galinta Xubnaha Musharaxiinta ee Aqalka sare oo Jowhar Lagu soo Gaba gabeeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here