Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa maanta xabsi u dirtay in ka badan 30 saraakiil iyo askar ah oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Masuuliyiinta maxkamadda ayaa gal-dacwadeedkaan xasaasiga ah ka furay magaalada Wisil ee gobolka Mudug oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada ku jira howlgalka argagixisada looga xoreynayo koonfurta gobolka Mudug.
Sida ay sheegeen saraakiisha maxkamadda waxaa maalmaha soo socda la qaadi doonaa dacwadda askarta iyo saraakiisha xabsiga loo taxaabay maanta.
Askarta iyo saraakiisha loo heysto gaadiidka oo u badan guutada 18-aad ee Gorgor, waa ciidankii uu ka geeriyooday Taliye Suulnuug, waxaana furimaha dagaalka looga yaqiinay guutada ugu adag ciidanka xoogga dalka.
Masuuliyiinta Maxkamadda ayaa maanta su’aalo weydiisay askarta iyo saraakiisha la xiray, waxaana laga wareystay sababta keentay dayacaadda gaadiidka, su’aalo weydiin kadib waxaa loo diray xabsi, waxaana dhawaan ku bilaabaneysa maxkamadeyn toos ah.