Ciidamada Amaanka Dagmada Galkacyo ayaa gacanta ku dhigay Shaafici Cabdi Cismaan Gabeyre oo ku eedeysan dilka Askari ka tirsanaa Ciidanka booliiska Galmudug falkaas oo ka dhacay dagmada gurceel 6/12/2022
Taliyaha saldhiga dagmada Gurceel Gaashaanle Cismaan Cali Hudeey oo soo gaaray Galkacyo ayaana kala waregay eedeysanaha Taliyaha Saldhiga Booliiska Dagmada Galkacyo Kabtan Cali Xirsi Sahal.
Dilkaan ayaa Ka Dhacay Laba Habeen ka Hor Gudaha Hotel Beder oo Ku Yaala Degmada Guriceel.
Shafici oo habeeno ka hor GURICEL ku dilay AUN Askari ilaalo Gudoomiyaha GURICEL oo lagu magacaabi Jiray Sanbuur. Ayaa gacanta lagu soo dhigay
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad