Home Wararka Somaliya Gabdha Soomaaliyeed oo Lagu dilay Wadanka Austaria

Gabdha Soomaaliyeed oo Lagu dilay Wadanka Austaria

0

axaa la sheegayaa in Lagu dilay Dalka Austaria, laba Gabdhood oo Soomaaliya kuwaas oo Lagu kala Magacaabo

1. Marxuumad Shukri Axmed Abtidoon
2. iyo Saaxiibteed Marxuumad Faaduma Maxamed Xirsi.

Ilo Muhiim ah oo wadankaasi ku sugan ayaa sheegaya in gabadhaha la dilay mid ay jirto 37 sano Midda kalana ay 28 sano jir tahay.

Waxaana la sheegaya in wiil Soomaaliya looga shakiyay inuu dilkaan Fuliyay, islamarkaana gabadhaha uu dilay mid ka mid ah uu sheeko wadaag la ahaa shaqsiga Falkaan ku dhaqaaqay, waxuuna u adeegsaday dilkooda Mindi.

Maydka labadaan gabar ayaa Laga helay Guriga dhaxdiisa, waxaana Lagu Tuhmayaa in Qof Soomaali ah uu dilkaan Fuliyay Laakiin lama Hubo

Ciidamada Boliiska Austaria ayaa Gacanta ku dhigay wiilkii dhacdadaan xanuunka badan Lagu eedeeyay waana dhacdo naxdin badan dhalisay

Ad
Previous article5 Qodob oo Madaxweyne Farmaajo Laga sugayay Jawaabteeda
Next articleDoorashada Aqalka sare ee Hirshabelle oo Goor dhaw ka bilaabanaysa Jowhar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here