Home Wararka Caalamka Gabar 40 sano Kadib Sabab Layaableh ku Heshay ninkii Walaalkeed Dilay

Gabar 40 sano Kadib Sabab Layaableh ku Heshay ninkii Walaalkeed Dilay

0
Ben Diris ayaa waxay qortay qoraalkan. In ku dhow 40 sano ka hor qoys British u dhashay oo is qaba dil loo geystay lagana helay Biyaha Caribbean, hase yeeshee qofkii dilkaasi geystay ayaa la la’aa meel uu jaan iyo cirib dhigay.
Maanta wax weliba Internetka ayaa laga helaa sida arday iskuulka aad isla soo dhigan jirteen, saaxibbadaa hore, qof aad jecleyd iyo eey kaa fakaday intaba.
Xataa haddii aad iyaga si toos ah u heli weydo waxaad heleysaa cid kale oo kaa caawiso sidii aad u heli lahayd cidda aad u baahan tahay.
Galabnimadii 2-da Oktoobar 2015-ka, Penny Farmer waxay ka soo noqoneysay safar gaaban oo ay ku gaadhey duleedka magaalada Oxfordshire ee ku taalla koonfurta bari ee Britain.
Waxay furtay koombiyuutarkeeda Laptopka, si ay khadka uga raadisana waxay qortay magaca qofka ay ka shakisaneyd inuu dilay walaalkeed, dunida oo ah mid aad u weyn balse maanta wax walba helitaankooda ay fududaadeen.
Penny waxay heshay ninkii dilaaga ahaa, oo garkiisu cirroobay, oo xidhan koofiyadda iyo funaanad ay xidhaan dadka ciyaara kubbadda baseball-ka ee dilay walaalkeed.

 

Penny ayaa waxay sheegtay “iney samada ka qorneyn inaan ninkan xilli hore arkin”, haweeneyda walaakeed la dilay ayaa si daacadnimo leh oo aan cabsi ku jirin uga warrameysa sida ay sheekadu u dhacday.
“Waxaan u maleynayaa inuu muddo dheer uu naga qarsoonaa, wuxuuna nala ahaa mid naga fog oo aan weliba la arki doonin. Laakiin Ilaah baan u mahad naqayaa waan ku guuleysatay inaan soo helo” ayey tiri.
Bishi July 1978-kii meydadka Penny walaalkeed Chris, iyo Saaxibaddii Peta Frampton ayaa waxaa laga helay ayagoo sabbeeynaya xeebta Guatemala.
Dilaa Silas Boston Silas Boston

Dilaa Silas Boston Silas Boston

1-da December 2016, oo ku beegneyd 14 bilood ka dib marki Penny ay Facebook ka heshay dilaaga walaalkeed oo 38 sano la raadinayey, kaasoo dilkii qarsoonaa ee ka dhacay xeebaha Guatemala ka geystay ay shaaca ka qaadday.
Boston waa la xidhay oo waxaa lagu soo oogay inuu dilay Chiris Farmer iyo Paeta Frampton.
Dhinaca kalana dambiilaha dilka labada qof loo haysto waa nin isbitaal sariirtii saaran, waa nin ay xubnahiisa iyo dareemahiisa oo dhan ay howl gabeen, wuxuuna ugu dambeyntii go’aansaday inuu rabitaankiisa uu kaga baxo isbitaalka.
24-ka Bisha April ee 2017-ka, Penny ayaa waxaa soo gaadhay war sheegayo inuu Boston dhintay.
“Penny waxay sheegtay iney isu aragtay qof la khiyaamay, waxaanna jeclaa ayey tiri in maxkamadda la soo joojiyo oo aan maxkamadda horteeda uga sheego sida qoyska annaga oo dhan uu u halakeeyey.
In isaga maxkamad la soo joojiyana ay mudda sugayeen una soo samrayeen.”
“Xiritaanku waa eray aad u qurux badan, waxaan aaminsanahay in xiritaanku kaliya yimaado marka runta la ogaado.
Hooyaday waa 93 jir waxay jawaab u heshay su’aalo 38 sano ay jawaab u la’eyd. Laakiin jawaab ayaad heshay macnaheedu ma ahan mar kale waxyeello laguuma geysanayo, mana hubo waxyeelladu iney intaa ku joogsaneyso” ayey tiri.
Warmurtiyeed ka soo baxay Booliska Greater Manchester ayaa waxay ku sheegeen kiisku inuu xoogaa hakad galay, balse aan weligii la laabin ilaa xaqiiqda laga salgaaro.
“Kiisaska noocan ah oo dhan markasta oo xog cusub la helo, waxaan dib ugu noqonnaa kiiska. Qoyska Farmer baaritaanka aan kiiskan ku sameeynay niyadsami ayay nooga hayaan ilaa ugu dambeynti la helay caddeeymihii mudda naga qarsoonaa.
Penny waxay qortay buug ay ugu magac dartay Geeridii biyaha, oo ay kaga warrameyso dilka loo geystay Chris iyo Peta iyo sida ay u jecleyd iney Boston ay caddaaladda hor keento.
Waxayna rajeyneysay ilaa iyo daqiiqadaha ugu dambeeya iney walaalkeed ay ugu hiilliso maadaamaa uu hiil badan uu uga baahan yahay.”
Penny waxay sidaa oo kale si farxad leh u qiratay, iney qisadan tahay mid si dhab ah ugu dhacday oo aan la illaawi karin, ka sheekeynteedana ay waalli tahay, aysanna wanaagsanayn inaan laga sheekeyn, maalin maalmaha ka mid ahna ay ku rajo weyn tahay in filim laga sameyn doono.”
Balse Penny weli waxay ka shaki qabtaa iney weli sheekadu dhammaanin. Waxayna si aad ah u dooneysaa iney ogaato sababta loo xidhay kiiskan u baahan in dambiilaha uu xor ahaado ama markale la dilo.
Ad
Previous articleDowlada UK oo ka Hadashay Dabkii Xalay ka kacay Hargaysa
Next articleInkabadan 40 Xildhibaan oo Qaatay Shahaadada Xildhibaan(Aqriso Magacyada)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here