Home Wararka Somaliya Galmudug Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo Farabadan oo Beesha Sacad oo Goordhow Gaaray Degmada...

Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo Farabadan oo Beesha Sacad oo Goordhow Gaaray Degmada Xarardheere

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Shalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kooxda Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka degmada Xarardheere.

Dagaalkan oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa maamulka degmada Xarardheere ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Bacadka Faarax Aadan oo 7KM u jira degmada Xarardheere.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii uu ciidanka weerar ku qaaday dagaal-yahaano Al-Shabaab ah oo aaggaas ku sugnaa, kuwaasi oo qorsheynayay inay weerar kusoo qaadan degmada Xarardheere.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf oo qeyb ka ahaa dagaalka ayaa warbaahinta u sheegay inay dhowr jiho ka weerareen Shabaab-kii ku sugnaa halkaasi, islamarkaana ay ka dileen maleeshiyaad badan oo ay ku jiraan ajaanib.

Dagaalka Shalay oo Socday Mudo kabadan 7 sacadood ayaa Alshabaab Lagu Jabiyay Waxaana Halkaas Lagu dilay Ajaanib iyo Saraakiil Sarsare oo Alshabaab Ka Tirsanaa.
Ciidan Gurmad ah oo wata Gadiid Dagaal oo Ubadan Sugag  ayaa laga Sagootiyay Saakay Degmada Wisil loona Diray degmada Xarardheere iyagoo kaabaya Walaalaha kusugan Degmada Xarardheere.
CIiidamadaan ayaana  maanta gaaray halkaas waxaana ciidankaan diray Beesha Sacad oo garab siinayaa Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee halkaas gacanta kuhaya
Ad
Previous articleAfhayeenkii Hore ee Xisbul islaam oo kamid noqday Alshabaabkii Shalay lagu laayay duleedka Xarardheere
Next articleWararkii igu Danbeeyey Dad Badan Oo Qaab Naxdin leh Galabtay Muqdisho ugu Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here