Home Wararka Somaliya Galmudug Afhayeenkii Hore ee Xisbul islaam oo kamid noqday Alshabaabkii Shalay lagu laayay...

Afhayeenkii Hore ee Xisbul islaam oo kamid noqday Alshabaabkii Shalay lagu laayay duleedka Xarardheere

0

Maxamed Ismaaciil Caruus ayaa ku baxay gacanta Ciidamada Macawialayda iyo ku GorGor  isku dhafka ah Ee Shalay Dagaalka Lagu Riiqmay ee ka Dhacay Dukeedka Xarardheere!

Caruus waxa uu hore u ahaa Afhayeenkii Xisbul Islaam, waagii wadaadka xabsi guriga ah Ee Xasan Daahir uu Cadaado iska dhiibayay ayuu la socday laakiin markii Muqdisho la keenay ayuu markale isaga biiray kooxda Alshabaab.

Waxa uu qayb ka ahaa weeraro Alshabaab ka Gaysteen  Kenya, Xarardheere ayuu joogi jiray oo qoyskiisa daganaayeen, waxa uuna u qaxay Baraag Ismaaciil marka laga fara maroojiyay magaaladaas Kooxda Alshabaab.

Waxa uu hadda abaabule dagaal oo Alshabaab u qaabilsanaa Mudug balse Shalay ayuu ku Geeriyooday Dagaal Gacmaha Laiskula tagay oo Ka dhacay Duleedka Xarardheere.

Dhanka kale Ciidamada Dowlada ayaana Ku Guulaystay inay Ka Hortagaan Alshabaab Badan oo Doonaayay inay Dib Uqabsadaan Magaalada Xarardheere.

Ad
Previous articleGudoomoyihii Dhawaan loo Magacaabay Hiiraan oo Gaadiid Dagaal badan Wata oo Gaaray Bakadwayne iyo Dagaal laga Cabsi Qabo
Next articleGaadiid Dagaal iyo Ciidamo Farabadan oo Beesha Sacad oo Goordhow Gaaray Degmada Xarardheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here