Waxaa shalay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya gaaray wafdi uu horkacaayo hoggaamiyaha maamulka SSC Cabdiqaadir Axmed Awcali Firdhiye.
Hoggaamiyaha iyo wafdigii la socday ayaa si weyn loogusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo soo dhaweynta ay qayb ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Ujeedka safarka wafdiga hoggaamiyaha maamulka SSC Cabdiqaadir Firdhiye ee magaalada Muqdisho ayaa ku qotanta casuumaad uu u fidiyay raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Safarka hoggaamiyaha SSC ayaa waxaa ka dhashay falcelin dhinaca Somaliland ah iyo sidoo kale xildhibaannada gobollada waqooyi ku matala Soomaaliya.
Siyaasiyiinta Somaliland ee ka hadlay waxaa kamida guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe, oo BBC-da uga warramay sida uu arko safarka hoggaamiyaha SSC ee Muqdisho.
Feysal Cali Waraabe oo ugu horreyn ka hadlaya aragtidiisa maamulka cusub ee SSC ayaa yiri, “Horta annagu ma aaminsanin wax la yiraahdo SSC, reer Laascaanood waa beel kamida beelaha dega Somaliland, marka ay ay noqoto safarka ninka la sheegay in uu yahay hoggaamiyahana, waa nin Soomaaliyeed oo tagay dhul Soomaaliyeed, in Laascaanood la yiraahdo waxaa lagu darayaa dal kale waa waxba kama jiraan”.
Gudoomiyaha Ucid oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay qorshaha Somaliland uga aaddan Laascaanood isagoo yiri, “Laascaanood sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa loogusoo celinayaa gacanta Somaliland, waxaa lasoo celinayaa kala dambeyntii iyo sidii ay ahayd, waxaa lagusoo celinayaa xoog iyo dagaal ama wadahadal hadba kii noo suura gala ayaa lagusoo celinayaa haddii ay ka bixi waayaan dadka shisheeyaha ah ee kusoo duulay mana oggoolaan doonno in deegaan Somaliland ay leedahay lagu daro dal kale”.
Gudoomiye Waraabe oo tusaale usoo qaattay nidaamkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre ayaa yiri, “Somaliland waxa ay iska saartay oo diidday nidaamkii Maxamed Siyaad, maantana waa sidii oo kale magaalo Somaliland kamida cid aynaan u oggoleyn ku jiri meyso, waxaan arkeynaa dad ku dabbaal dagaya eek u sugan Laascaanood oo uu kamid yahay madaxweyne kuxigeenka Puntland, xaqiiqadu waxa ay tahay haddii ay sheekadu qabiil isku badasho iyaguba ma joogi doonaan Muqdisho”.
Dhinaca kale xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ah xildhibaan kamida golaha shacabka ee Soomaaliya kuna matala gobollada waqooyi ee Somaliland ayaa qoraal uu kusoo daabacay bartiisa Facebook-gga waxa uu kaga hadlay soo dhaweynta hoggaamiyaha SSC ee Muqdisho oo u uku tilmaamay buun buunin.
Xildhibaan Maareeyee ayaa yiri, “Waxaan fiirsaday soo dhoweyntii Xamar loogu sameeyey Gudoomiyaha cusub ee dadka degaanku u doorteen Gudoomiyaha degmada Laascaanood, Gudoomiye Firdhiye, weligay ma arag Gudoomiye degmo oo ka taageerayaal badan, tolow maxaa jira, oo maxay tahay waxan oo sawaxan iyo xamaasad ahi”.
Maareeyee oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale yiri, “Waxaan isweydiiyey tolow ma waxaa isbedelay siyaasadii DFS ee ahayd in arinta Somaliland oo isu-dhan lagu dhammeeyo wadahadal nabadeed oo waxaa laga dhigay in Somaliland degmo degmo loo soo furfuro oo Dawladda Federaalku degmo kasta u aqoonsato maamul ka tirsan Federaalka”.
Xildhibaan Maareeye oo sidoo kale si dadban uga hadlay nidaamka loo maray soo dhaweynta hoggaamiye Firdhiye ayaa hadalkiisa sii raaciyay, “Sayidkii wuxuu yidhi “Caamir waa saleelee annaa haatan caymadiye” waar haday sidaas tahay oo hadaan Degmo Somaliland ka soo goosto sidan lay soo dhoweynayo oo 10 Baabuur oo Bulletproof ah iyo Guri 100 askari waardiyeynayso Madaxtooyada layga siinayo, anniga laftayda madaxda Dawladdu wax hay fahamsiiyeen, waan ka tegayaa Xildhibaanka oo waxaan Somaliland ka xoreysanayaa Degmadayda Caynabo ee isla Gobolka Sool oo degaan ahaan ka weyn Degmada Laascaanood, kana kheyraad badan, ka dibna Xamar baan ka soo degayaa ee halay aqoonsado oo Protocol-kan oo kale halaygu soo dhoweeya”.