Home Wararka Maanta Tirada dhimashada ee Qasa oo sare u kacday

Tirada dhimashada ee Qasa oo sare u kacday

0

Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay weerarka dhanka cirka ah ee lagu qaaday Qasa ayaa gaartay 198, sidaas waxaa sheegay saraakiisha caafimaadka ee Qasa.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa war kasoo saaray weerarrada Israa’iil ee ay Falastiiniyiintu ku qaadeen.

“Waxaan si dhow ula soconayaa waxa ka soo kordha Israa’iil. Sida ay nooga go’an tahay xuquuqda Israa’iil ay isku difaaceyso waa mid meesheeda ah, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska dadka ku dhintay weerarradan arxan darrada ah ee shacabka lala beegsaday,” ayuu yiri.

“Maalmaha soo socda waxay Waaxda Difaaca la shaqeyn doonto Israa’iil si loo hubiyo in Israa’iil ay hesho waxa ay u baahan tahay inay shacabkeeda uga difaacdo rabshadda iyo argagixisannimada aan kala sooca lahayn.”

Ad
Previous articleFaysal Cali Waraabe oo ku hanjabay in ay Laascaanood dib ula wareegayaan kana Hadkay Booqashadii Madaxweynaha SSC khaatumo ee Muqdisho
Next articleSucuudigu muxuu ka yiri dagaalka lagu Laayay Israel ee Saakay ka Dhacay Qasa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here