Home Wararka Maanta Faysal Cali Waraabe “Aniga oo waligey Daawan Doorashada Muqdisho, xaley baan soo...

Faysal Cali Waraabe “Aniga oo waligey Daawan Doorashada Muqdisho, xaley baan soo jeeday ilaa inta u Dambeysay”

0

Guddoomiyha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland, Mudane Feysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id Wariyeyaasha ugu qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay doorashadii xalay ka dhacday Muqdisho.

Feysal Cali Waraabe oo boggaadiyey qaabka ay u dhacday doorashada ayaa u hambalyeeyey Xasan Sheekh Maxamuud oo mar labaad doortay Madaxweyne.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in xalay uu soo jeeday, si uu ula socdo ku dhowaaqista natiijada doorashada.

“Aniga oo waligey daawan doorashada Muqdisho, xaley baan soo jeeday ilaa inta u dambeysay” ayuu yiri Feysal CalI Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha xilka haya ee laga adkaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Waxaa isoo jeediyey waxaa weeye shantaas sanadood waxaan ka seexan kari waayey ninkaa shandada sitay ee ciil qabaha ah,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, isaga oo ka dalbaday inuu fuliyo heshiisyadii ay hore u galeen labada dhiinac.

“Waxaan leenahay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha la doortay horaa laguu doortay waxaan kaa codsanayaa horta heshiisyadii aan wada galnay inaad fuliso,”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhigay taariikh cusub ayaa helay 214 cod, halka Madaxweynihii horeyna Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo isna helay 110 cod.

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleDowladda Britain oo Ballanqaad Culus usamaysay Maadxweyne Xasan Sheekh
Next articlebeerlayda Khaadka Kenya oo Hambalyo U diray Xasan Shiikh Maxamuud kuna Farxay in Farmaajo laga adkaado