Home Wararka Somaliya Farmaajo oo safarkii Ugu Horeeyay u amababaxay Tan iyo Markii Xilkiisu dhamaaday

Farmaajo oo safarkii Ugu Horeeyay u amababaxay Tan iyo Markii Xilkiisu dhamaaday

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa caawa u ambabaxay dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo, wararka ayaa sheegaya in dal kalena uu tagi doono, kaddib safarkiisa DR Congo.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in safarkiisa uu la xiriiro wada hadal la filayo in laga dhex bilaabo Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa ah Madaxa Midowga Afrika ee xilligan, si kala gaar gaar ah ayuu u qaabili doonaa Farmaajo iyo Uhuru oo isna la filayo inuu khamiista tago dalka DRC.

Diyaaradda Farmaajo caawa ka qaaday
Muqdisho ayaa laga soo diray dalka Congo, taasoo aheyd mid Madaxweynaha Congo u soo diray.

Ad
Previous articleDowladda oo Caawa Ciidamo Farabadan gaystay Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid.
Next articleDaawo Sawirada: Shabaab oo soo bandhigtay la Wareegida Degmada Bacadweyne ee Gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here