Home Wararka Maanta Farmaajo oo Maareen la’ Siyaasada Dalka ayaa 8 Bil Gudahood 3 Jeer...

Farmaajo oo Maareen la’ Siyaasada Dalka ayaa 8 Bil Gudahood 3 Jeer Golaha Hortegay

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 8 bil gudahood markii 3-aad hortagaya Golaha Shacabka, isagoo maareen la’ marxalada kala guurka ah iyo khilaafka doorashada Soomaaliya.

Bishii Sep 2020 ayuu Madaxweynaha u tagay Golaha Shacabka waxa uuna markaas ka codsaday in dalka ka dhacdo doorasho dadban kadib markii ay qabsoomi weysay doorasho dadweyne oo qorshuhu ahaa. Sidoo kale bishii Feb 2021 ayuu hortagay Golaha shacabka isagoo ka soo tagay shirkii Dhuusamareeb oo socda, waxa uuna Goluhu u sheegay caqabadaha doorashada, isagoo eedeyn dusha uga tuuray Madaxweyne Deni.

Maanta, waa markii 3-aad waxaana la filayaa in uu Golaha Shacabka weydiisto ka laabashada sharcigii gaarka ahaa ee doorashada Soomaaliya, kaas oo ahaa muddo korarsi dadban oo 2 sano ah.

Dad badan ayaa dhowraya khudbada maanta ee Madaxweynaha, taasoo dalka gelin karta xasilooni ama ka sii dari karta xaalada dalka.

Ad
Previous articleWararka ugu danbeeyay Barlamaanka oo maanta ka laabanaya muddo kordhintii Hay’addaha dowladda
Next articleMadaxweynaha Galmudug oo Hambalyo udiray Dhamaan Shaqaalaha Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here