Home Wararka Maanta Farmaajo oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo shaaca Sababta...

Farmaajo oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo shaaca Sababta uu u yimid caasimadda dalka.

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday qorshaha uu u yimid caasimadda dalka.

Farmaajo ayaa sheegay in socdaalkiisa Muqdisho u daaran yahay arrinta sida weyn isugu hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Xasan Sheekh, ee wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, oo haatan doodiisa ka socoto baarlamaanka.

Waxa uu sheegay in uu ka shaqeynayo xal u helista xiisadda taagan ee dastuurka, “Waxaa laga doonayaa muwaadin kasta Soomaaliyeed oo ugu horreeyo madaxweynaha federaalka Soomaaliya, baarlamaanka labadiisa gole, dowlad-goboleedyada madaxdooda iyo shacabka Soomaaliyeed inay iyagu laftigooda noqdaan xalka.”

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ujeedka dadaallada xal u raadinta xiisadda dastuurka ay tahay “in la gaarsiiyo wada ogol iyo ilaalinta wada-jirka Soomaaliya.”

“Waxaa kuligeen dan noogu wada jirtaa in la isku soo wada dhaweeyo dadka Soomaaliyeed iyo dowladooda, waxaan doonayaa intaan in ka faah-faahsan in aan sheego mustaqbalka waana idinla wadaagi doona hadduu Ilaahay yiraahdo,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Farmaajo.

Farmaajo ayaa la filayaa in maalmaha soo aadan uu Muqdisho kulamo kula qaato siyaasiyiinta ay isku aragtida yihiin oo ugu horreeyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo siyaasiyiintii kale ee diidanaa wax ka beddelka dastuurka iyo dhinacyada kale ee siyaasadda.

Qodobbada ay diidan yihiin mucaaradka ee qeybta ka ah wax ka beddelka dastuurka ayaa waxaa kamid in dalka ay ku tartamaan doorashada soo socota laba xisbi oo keliya iyo in laga guuro hanaanka ra’iisul wasaaraha, loona guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, labadaasi qodob ayaa ahaa kuwii ay diidanayeen garabka mucaaradka.

Si kastaba, Xiisadda dastuurka ayaa meel sare gaartay, ayada oo weli dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay ku adkeysaneyso wax ka beddelka ay rabto, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay doodda wax ka beddelka dastuurka ka socoto baarlamaanka.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Haweeneey Maantay ninkeeda Hubtay oo Lasoo Qabtay
Next articleIsrail oo inkabadan 100 Qof oo Falastiniyiin ah Hal Goob ku Dilay