Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Haweeneey Maantay ninkeeda Hubtay oo Lasoo Qabtay

War Deg Deg ah: Haweeneey Maantay ninkeeda Hubtay oo Lasoo Qabtay

0

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhoweyd shaaciyay in gacanta lagu soo dhigay haweenay maanta seygeeda ku gubtay gudaha magaalada Muqdisho.

Bayaan kasoo baxay Taliska ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska ay gar-gaar u fidiyeen dhibanaha oo hadda xaaladdiisa caafimaad lagula tacaalayo mid kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

Haweenayda ku eedeysan kiiskan ayaa lagu magacaaba Naley Maxamuud Saney, waxaana da’deeda lagu sheegay 26 jir.

“Maantay oo taariikhdu tahay Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen Edeysane Naley Maxamuud Saney 26 jir ah oo gubtay Saygeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Naley ayaa la horgeyn doona maxkamadda awoodda u leh qaadista kiiska loo soo xiray, sida uu sheegay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

“Muwaadin hadii aad la kulanto falal ammaanka lidi ku ah la xariir ciidammada ammaanka ee kugu dhaw, ama la xariir xafiiska gurmad ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka Booliska oo farriin loogu diray dadka degan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Si kastaba, dilalka argagax leh ee lamanayaasha is-qaba ayaa asbuucyadii u dambeeyay kusoo badanayay dalka, gaar ahaan caasimada, ayada oo si weyn isu soo tareen tan iyo markii uu soo baxay kiiska ninka xaaskiisa ku gubay magaalada Muqdisho.
Ad
Previous articleFarmaajo oo Goordhow Soo Gaaray Muqdisho
Next articleFarmaajo oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo shaaca Sababta uu u yimid caasimadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here