Home Wararka Maanta Israil oo inkabadan 100 Qof oo Falastiniyiin ah Hal Goob ku...

Israil oo inkabadan 100 Qof oo Falastiniyiin ah Hal Goob ku Dilay

0

Ugu yaraan 104 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay magaalada Gaza, kadib markii ay ciidamada Israel ay rasaas ku fureen.

Weerarkan ayaa dhacay xilli ay dadkaasi doonayeen inay cunto ka qaataan gaadiidka samafalka ee cuntada geeya marinka go’doonsan ee Gaza.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in saraakiisha Maraykanka ay hubinayaan “wararka is-khilaafsan” ee ka soo baxaya, sida weerarka uu u dhacay.

Afhayeen u hadlay aqalka cad oo lagu magcaabo Olivia Dalton ayaa dhimashadan ku tilmaantay inay tahay wax laga naxo, oo si weyn looga walaaco.

“Waa dhacdadii ugu dambaysay ee u baahan in la badho” ayay u sheegtay weriyayaasha, xilli ay ku sugnayd diyaaradda madaxweyne Biden ee Air Force One, xilli madaxweynuhu u safrayey xuduudda Maraykanka iyo Mexico.

“Dhacdadani waxay hoosta ka xarriiqaysaa sida loogu baahan yahay in la kordhiyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza”.

Saraakiisha caafimaadka ee Gaza ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weerar ku qaadeen meel ay dad badani ku sugan yihiin, oo ku taalla al-Nabusi.

Goordambe ayaa wararku sheegeen, in ciidamada Israa’iil ay rasaaas ku fureen, dad doonayey inay daqiiq iyo raashinka qasacadaha ku jira, inay kala degaan gaadiidka.

Ciidamada Israel ayaa sheegay inay ciidamadoodu rasaasta fureen, iyaga oo u maleeyey in dadka ku ordaya gaadiidka gargaarku inay halis iyaga ku yihiin.

Ad
Previous articleFarmaajo oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho oo shaaca Sababta uu u yimid caasimadda dalka.
Next articleMalaayiin doollar ayaa ku baxday dhismaha masjidkan, wuxuuna noqonayaa kan saddexaad ee ugu weyn guud ahaan masaajidda caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here