Home Wararka Maanta Farmaajo oo la Sheegay inuu Badalay Magicii Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya iyo...

Farmaajo oo la Sheegay inuu Badalay Magicii Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya iyo Dood ka Dhalatay arintaas

0

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu iska tuuray magaca saxda ahaa ee Soomaaliya oo ah “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” isaga oo la yimid mid kale.

Farmaajo oo shalay u baxay dalka Qatar ayaa lasoo sawiray isaga oo diyaaradda ku aqrinaya gal lagu qoray magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya,” taasi oo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan ujeedka laga leeyahay.

Magaca “Jamhuuriyadda Soomaaliya” waxaa Soomaaliya loo aqoon jiray markii ay xoqriyadda qaadatay 1960-kii illaa 1969-kii markaasi oo Golihii Sare ee Kacaanka ay u beddeleen “Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Soomaaliya.” Dastuurka qabyada ee Soomaaliya ee la qoray 2021-kii waxaa magaca saxda ah ee dalka ugu qoran “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Ma cadda sababta Farmaajo u doortay inuu adeegsado magac aan aheyn midka ku qoran dastuurkii lagu doortay, hase yeeshee dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa duruba ku macneeyey inay qeyb ka tahay dagaalka uu kula jiro nidaamka federaalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa la ogyahay inuu aad u neceb yahay federaalka, isaga oo aaminsan dowladda dhexe oo awood badan oo xukunka dalka oo idil gacanta ku haysa, heer tuulo illaa heer gobol, halka federaalka uu awood badan siinayo maamul goboleedyada.

 

Ma cadda sababta Farmaajo u doortay inuu adeegsado magac aan aheyn midka ku qoran dastuurkii lagu doortay, hase yeeshee dadka fallanqeeya siyaasadda ayaa duruba ku macneeyey inay qeyb ka tahay dagaalka uu kula jiro nidaamka federaalka Soomaaliya.

Farmaajo ayaa la ogyahay inuu aad u neceb yahay federaalka, isaga oo aaminsan dowladda dhexe oo awood badan oo xukunka dalka oo idil gacanta ku haysa, heer tuulo illaa heer gobol, halka federaalka uu awood badan siinayo maamul goboleedyada.

Shantii sano ee uu Farmaajo xilka hayey, wuxuu dagaal xooggan la galay maamul goboleedyada dalka, isaga oo ku guuleystay inuu saddex ka mid ah oo kala ah; Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabeelle gaysto madaxweyne goboleedyada isaga ka amar qaata, isaga oo sidoo kale ku guuldarreystay inuu tuuro madaxweynaha Jubaland.

Villa Somalia weli kama aysan hadal haddii arrintan ay tahay ku talo-gal ama khalad dhacay, inkasta oo ay u muuqato mid ku talo-gal ah, maadaama lagu qoray saddex luuqad oo kala ah Soomaali, English iyo Carabi

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA

Turkiga oo yeelanaya 90% dakhligii shidaalka iyo Gaaska uu kasoo saaro Soomaaliya

Turkiga ayaa yeelan doona ilaa 90 boqolkiiba dakhliga kasoo baxa saliidda iyo gaaska laga soo saaro Soomaaliya, sida uu muujinayo heshiiska labada dal oo markii ugu horraysay nuqulkisa si rasmi

Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo loo doortay Xildhibaan Qawdhan

Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha
Ad
Previous articleMagaalada Gaalkacyo oo Maantay lagu Dooranaayo 5kursi iyo 13 musharax oo ku Tartamaysa
Next articleCali Guudlaawe oo Go,aan lama Filaan ah ka Qaatay Kuraastii Taalay Baladweyne