Home Wararka Maanta Farmaajo oo kuwajahan Magaalada Laasacaanood

Farmaajo oo kuwajahan Magaalada Laasacaanood

0

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo haatan ku sugan magaalada Garoowe ayaa shaaca ka qaaday inuu dhowaan booqan doono deegaanada SSC-Khaatumo.

Farmaajo ayaa safarkiisa Laascaanood kala hadlay hoggaamiyaha KMG ka ah ee maamulka SSC, Mudane Cabdulqaadir Firdhiye oo ay ku wada kulmeen magaalada Garoowe.

Madaxweynihii hore oo ka hadlay booqashadiisa ayaa sheegay in marka hore uu kusoo laabanayo Muqdisho, balse mar labaad uu tageyo Garoowe, kadibna uu usii gudbayo Laascaanood.

“Aniga iyo hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye waxaan ka wada-hadalnay oo aan isku sheegnay inay qurxoon tahay inaan dib usoo noqdo marka kulanka uu halkan ka dhacaayo aan waqti fiican ku imaado Khaatumo,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu carab baabay magaalooyinka uu buuqan doono, isaga oo sheegay in qorshihiisa uu yahay in la kulmo dadka deegaanka ee kasoo jeeda SSC-Khaatumo.

“Waxaan ka bilaabeynaa magaalada Laascaanood, Buuhoodle, Gumeys, Carooley iyo wixii suurtagal ah oo deegaanadaas ah oo aan dadka la kulano” ayuu mar kale yiri Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaan rajeynaayaa inaan sida ugu dhaqisyaha badan ugu soo noqdo Puntland, kadibna aan socdaalkaas ku bixiyo Khaatumo, haddii uu alle yiraado”.

Maxamed Farmaajo oo dhowaan kusoo laabtay gudaha dalka, kadib muddo uu ku maqnaa dibadda ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah dowladda federaalka.

Waxaa kale oo uu qayb ka noqday madaxda diidan qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddealka dastuurka KMG ka ah ee uu haatan ku howlan yahay baarlamaanka

Ad
Previous articleDagaal Culus oo kasocda Duleedka Ceel lahelay ee Gobalka Galgaduud
Next articleXukunka Askari 19 sano ka tirsanaa Ciidanka laguna helay inuu Alshabaab La Shaqaynaayay iyo Xukun lagu Riday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here